Mudaharaad Ka Istaadhmay Qaybta Itoobiya Ee Wajaale

0
1,082 views
Mudaharaad Ka Istaadhmay Qaybta Itoobiya Ee Wajaale

Mudaharaad Ka Istaadhmay Qaybta Itoobiya Ee Wajaale

Mudaharaad maanta ka dhacay dhanka Itoobiya ee magaalo xuduudeeda Wajaale ee Somaliland iyo Itoobiya u dhaxaysa ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacma leh.

Qof magaciisa qariyay oo idaacadda BBC laanteeda Afsoomaaliga la hadlay ayaa sheegay in dadweyne mudaharaadayay rasaas nool lala dhacay, islamarkaana madaxa laga toogtay wiil calanka u siday dibad baxayaasha qaar kalena la dhaawacay.

Waxa uu sheegay in dadku ka cabanayeen shaqo la’aan. Shaqooyinka kooban ee ka soo baxa degaanka ayuu sheegay in meelo kale laga keeno iyada arrintan cusub ay sababtay haweenay degmada Maayar ka ah oo uu sheegay in meel kale laga keenay maalmihii la soo dhaafay lana eryay maayarkii hore.

Ninkan reer Wajaale ee magaciisa qariyay waxa uu sheegay in madax dhaqameed la xidhay loo qaaday dhanka Jigjiga, sidoo kalena dad kale lagu xidhxidhay magaalada Wajaale laakiin, ciidamada Federaalku xaalka dejiyeen.

Dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa todobaadkii hore laga soo wariyay mudaharaado meelo kala duwan ka dhacay waxaanay u muuqata in bulshadu ku dhiiranayso mudaharaadka hoggaanka Itoobiya gaadhsiiyay bulshada Oromada.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.