Mudaharaad Hada Gil Gilay Agagaar Madaxtooyada Somaliland

0
29 views

Hargeysa (Sayruuq):- Mudaharaad Xoogan ayaa waxaa uu hada golgilay afaafka hore ee wasaaarada Wabarashada Somaliland oo dhinaca Galbeed kaga beegan xarunta madaxtooyada Somaliland .

Mudaharaaadkan ayaa waxaa sameynaayey Ardeydii Dhacdey Imtaxaankii Shahaadiga ahaa ee Somaliland oo iminka lagu dhawaaqey isla markaana tirada Ardeyda dhacdey ay ku dhaw dahay Laba Kun oo Ardey .

Ardeydan mudaharaadeysa ayaa waxaa ay dhagaxaan la dhaceen Wasaarada waxbarashada isla markaana waxaa ay xidheen wadada hor marta Wasaarada oo loo sii maro xarunta madaxtooyada .

Ciidamada Booliska ayaa hada soo gaadhey goobta isla markaana kala dareeriyey ardeydii mudaharaadka wadey

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here