Mudaharaad Balaadhan Oo Ka Socda Addis Ababa

Ra'isal wasaare Abiy Axmed ayaa rabshadaha cusub ee hadheeyay Addis Ababa ku tilmaamay weerarro fulayno oo cabsi galinaya wada jirka iyo walaalnimada bulshada Itoobiya

0
484 views
Rabshado Ku Sii Fidaya Itoobiya

Mudaharaad Balaadhan Oo Ka Socda Addis Ababa
Addis(Sayruuq) Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa waxa maanta bilaamay isu soo baxyo waaweyn oo ka socda dhawr meelood oo magaalada ka mid ah. Mudaharaadeyaasha ayaa ka cadhaysan falal ammaan darro ah dhawrkii cisho ee u dambeeyay ka soo kordhay caasimadda iyo agagaarkeeda.
Mudaharaad Balaadhan Oo Ka Socda Addis Ababa
Dabayaaqadii todobaadkii hore waxa Addis Ababa ka dhacay isku dhacyo dhawr ah oo u dhexeeya Oromada iyo bulshada reer Addis Ababa oo salka ku hayay calamada Oromada iyo OLF oo magaalada lagu dhex arkayay.


Sidoo kalena tan iyo Khamiistii waxa weerarro abaabulan oo qoomiyado salka ku hay aka dhacayeen degaanka Burayu oo ah duleedka Addis Ababa. Sida uu baahiyay wargeyska The Reporter waxa jira dhimasho, dhaawac iyo barakac kumanaan qof gaadhay kuwaas oo u qaxay dhanka Addis Ababa. Waxa sidoo kale jira kufsi iyo xadgudubyo ku salaysan nacayb qoomiyadeed.
Mudaharaad Balaadhan Oo Ka Socda Addis Ababa

Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa cambaareeyay falalkan oo uu sheegay in lagula kacay dad aan waxba galabsan “ Weerarradan fulaynimada ah waxay walaac galinayaan midnimada iyo walaalnimada bulshadayada, waxaanay la kulmi doonaan jawaab ku haboon kuwa falalkaasi gaystay,” Sidaas ayuu yidhi ra’isal wasaaraha oo Sucuudiga ku jooga safar sida uu sheegay madaxa xafiiska ra’isal wasaaraha.
Mudaharaad Balaadhan Oo Ka Socda Addis Ababa
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.