Militariga Soomaaliya Oo Dagaal Culus Ku Dhexmarayo Xeradii Imaaraadku Banneeyay

0
620 views
Hub Laga Xaday Xeradii Imaaraadka Oo Muqdisho Lagu Iibinayo
Ciidamada oo tababaranaya

Militariga Soomaaliya Oo Dagaal Culus Ku Dhexmarayo Xeradii Imaaraadku Banneeyay

Ciidamo ka wada tirsan Militariga Soomaaliya ayaa iska hor imaad ku dhexmarayaa xerada Jen Gordon ee dhawaan Imaaraadku ka baxay. Dadka degaanka ayaa BBC-da u sheegay in ay ku war heleen hubka culus ee ciidanku is waydaarsanayo lagana maqlayo meelo badan oo degaankaasi ah laakiin, wali khasaaraha lama sheegin.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay sababta iska hor keentay ciidamadan ka wada tirsan militariga Soomaaliya laakiin, warbaahinta Goobjooge ayaa sheegaysa in la isku qabsaday boob ka dhaca xerada iyada oo qaybo ciidanka ka mid ah damceen in ay hub iyo saanad ciidan kala baxaan xerada laakiin, ay qaybo kale diideen bililiqadaasi.

Xeradan ciidan waxa dhawaan ka baxday dawladda Imaaraadka oo ciidamada Soomaaliya tababari jirtay kadib markii khilaaf soo kala dhexgalay Soomaaliya waxaanay wali agabkeedii ka raranaysa dekedda Muqdisho.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.