Milicsiga Mahadhooyinkii & Taariikhdii Guunka ahayd ee Marxuum Cali Sanyare

0
779 views
Milicsiga Mahadhooyinkii & Taariikhdii Guunka ahayd ee Marxuum Cali Sanyare
Sawir hore

Milicsiga Mahadhooyinkii & Taariikhdii Guunka ahayd ee Marxuum Cali Sanyare

Muddo laga joogo 6 sanno oo aan waqti-fiican kuwada qaadanay marxuum Cali Sanyare Dalxiis Hotel ee Magaalad Hargeysa waxa uu nooga sheekeyay taariikh nololeed kooban oo aad noo taabatay aniga iyo dhalintii aanu saaxiibadda ahaynba oo kulamadiisa xiisayn jirnay, isna aanu naga mashquulin amase si kalgacal leh noo qaabili jiray markasta iyo meelkasta oo aanu isku aragno isago nagu dardaari jiray ” dhalinyarnimadiina ka faa’idaysta oo bulshadiina u hagarbaxa”

Milicsi kooban oo uu diyaariyay Ahmed Toorno:
Dhallinyarnimadiisi
Asaasihii & Gudoomiyihii Ururkii dhalinyaradda Soomaliyeed ( President of Somali Youth Organization-SYO1960) oo kufiday dhaman dhulweynaha Geeska Africa ee Somaalidu degto.

Waxbarasho kooban:
Dugsi hoose: Riis
Dugsi-Sare: Somali institute of Public Administration-Muqdisho
Shahaaddad 1aad: Northeastern Illinois University in Chicago- ee Cariga Maraynkanka
Takhasus– Maamulka Dawladda
Shahaadada 2aad: Institute of Social Studies(ISS) ee HAYG-Holland
Dhanka waxabarashada waxa uu sidoo kale toobaro & waxbarasho kooban (courses) ka qaatay Jamacada Harvard,wisconsin University iyo Missouri Unviersity ee dalka maraykanka.

Dhinaca waayo-aragnimada shaqada:

Marxuum Cali Sanyare waxa uu lahaa waayo aragnimo xeeldheer oo aynaan ka geyonayn inaan idinkula wadaago bartan, Kuwa ugu mudnaa waxa ka mid aha:

1963- Shaqadii ugu horeysay ee Maxkamadda Hargeysa
1965-Waxa loo badalay Xarunta wasaarada Caddaaladda ee Soomaliya, Muqdisho.(Assistant in the office of the Ministry of Justice)
1971- Waxa loo magacaabay Agaasimahad waaxda shaqadda ee wasaaarada shaqada iyo Sports-ka ee dalkii Soomaliya, halkaas oo ka gaadhay Agaasime Guud.
1975- xukuumadi Somaliya waxay u wareejisay Ururka midowga Afrika( Org. of African Union,OAU) halkaas oo loo magacaabay agaasimaha arimaha siyaasadda ee ururuka midaynta shaqaalaha Africa(Irg. if Afrucab Trade union Unity.
1976-kii- Waxa loo doortay ku-xigeenka xoghaya Guud ee ururka shaqaalaha Afrika oo hayay muddo 14 sanno ah.
1986-ayuu shirweynihii caalamiga ahaa ee Ururka shaqaalaha aduunka (ILO-UNka) u doorteen #XUBIN #MUDAN (Titular Member) oo u ka mid noqday xubnaha Golaha dhexe e 3dii sannoba mar ku kulma Geneve si ay iskaga doortaan Hogaanka sare.
1990- Senior international Civil Servant of ILO
1986- Agaasimaha ururka ILO ee Afrikada Bari ee xaruntiisu tahay Daarasalam, Tansaaniya oo hoosyimadaan dalalka : S.land, Somalia, Kenya, Uganda & Tanzania.
Marxuumku wuxu hawl-gab ka noqday shaqadda 2006 isaga oo kusoo guryo noqday JSL, Hargeysa, waxaanu ku guulaystay Abaal marino caalami ah (ILO 2009),

Waxa kale oo lagu maamusay in Taalo loga dhiso Magaalada Darsalaam si ILO ay ugu xushmayso dedaalkiisa iyo kartidiisi. Ali Ibrahim Towe oo looguna magacdaray xafiiska ILO ee Tanzania.

Sooyaalka Siyaasadeed:
2006- Madaxweyne Riyaale waxa uu u magacaabay Wasiirka wasaarada Qorshayna Qaranka JSL, Isaga o muxaafika iyo mucaaradkuba habalyeeyen.
Intuu jogay WQQ: Hergelinta qorshaha Horumarinta Qaranka, gacan ka geysashada Reconstration & Dev. Plan-RDP), Sanduuqa horumarinta iyadoo dawladdaha Caalamka lagu qanciyay inay Somaliland deeq-deeda hesho si madaxbanaan, Aid coordination policy, Civil service reform etc.

Waayihii ugu dambeyay Cali waxa uu ka mid ahaa Urur siyaasadeedka Waddani.

Wax-qabadyada kale ee Marxuumku uu gadhwadeenka ka aha waxa ugu bilnaa laguna Xasuusan doona inu hirgeliyay Mashruuca Waddada Cad ee Sallaxley-ina Guuxaa oo uu aha Gudoomihii ka dambeeyay isku dubaridka hawlahaas oo bulshadana ku booriyay in aan Caalamka uun waxlaga sugin ee iyaguna wax-qabsan karaan.

Alle Ha u naxariisto Marxuumka oo dhammaanteena Samir iyo Iiman haynaga siiyo.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.