Mid aan ka idhi buugga M & M ee uu mudane Xirsi qoray:

0
201 views

Mid aan ka idhi buugga M & M ee uu mudane Xirsi qoray:

Inkasta oo aanan akhriyin buuga “miyiga ilaa madaxtooyada “ ee u qoray muddane, Xirsi Cali, hadana waxa aan jeclaysatay in aan uga mahad celiyo tallabadan u qaaday iyo badheedhihisa. Waxa uu qoray in aan ku raacno iyo aan ku khilaafnaa labaduba way furan yihin, lkn waxa tallaabo boggaadin muddan ah in nin siyaasi ah, oo weli damacisi taagan yahay uu ku dhiirado in uu noloshiisi iyo dhacdoyinki uu u soo joogay inala wadaago. Waa arrin ugub ku ah saaxada Somalida.

Qof ahaan aniga arrintani dareen gaar ah bay ii samaynaysa. April 2006 bay ahayd markii Wargeyska Geeska Afrika uu ku soo biiray saaxadda saxaafada Somaliland. Sxb-kay iyo walaalkay Max’ed Rambow baa igu sharfay in aan kooxdi wargeysakan dhaqaajinaysay aan oday u noqdo. Fikrado badan baa dhammaantayo naga dhex guuxayey, hammiyaguna wuxuu ahaa in aan la ninaadno wax ka gedisan, wixi saaxadda yaalay, soona kordhino wax indhaha alhristayaasha soo jiita, dadka wargeyskan akhrisanaya aqoontooda iyo aragtiyahoodaba wax ku soo kordhin kara.

Hadaba dhibtii ugu weynayd ee na soo wajahdaa waxa ay ahayd in dadkii aqoonta, waayo aragnimada iyo xogogaalnimada aanu bidayey ay dhammaan si uga cudur daarteen in ay qoraalo ama faalooyin bulshada kula wadaagaan bogagi kala duwanaa e Wargeyska. Sababta ay akhyaartaasi noo cuskanayeen waxa ay ahayd in aanay weli siyaasaddii ka fadhiisan, oo dan badan iyo hunguri ka hayo; sidaas darteed aanay rabin in ay qoraalo sameeyaan, waxa ay og yihiin ama u soo joogena ka marag kacaan!!!!

Dib u gurashada inti aqoon iyo waayo aragnimo lahayd ayaa ah barta ay maanta u dhutinaysa saxaafadda Somaliland iyo guud ahaanba Warbaahinta Soomaalidu. Adduunka wargeysyadoodu waxa ay ku qaangaadheen, kuna yeesheen magaca iyo maqaamka ay joogaan waa qallinadaa aqoonta leh ee sida cilmiyeysan u faaqidaya dhacdooyinka bulshadaa ka dhex dhacda ama waayaha iyo duruufaha ku xeeran. Faallooyinka ayaa ah ta qaabaysa qaab nololeedka bulsho, una horseeda in ay go’aano iyo aragtiyo ka qaataan mustaqbalkooda iyo dhacdooyinka hareerahooda ka dhacaya.

Haddaba, in dayrkaasi dumay waan ku faraxsanahay. In ay dhiirani timi waa bogaadinayaa, in uu qofku aragtidiisa iyo wixii uu u soo joogay oo qoran inala waadaagaa waa tallaabo wanaagsan oo xagga bissaylka iyo ilbaxnimada loo qaaday. Waxaase xasuusin muddan in mar walba qofka qallinka qaadanaya uu maanka ku hayo in eraygu yahay ammano, in uu yahay dumiye iyo dhiseba, ayna tahay in mar walba dhanka fayow loo qallin iyo hubba urursado.

Ka sokow nuxurka iyo waxa ubucda buuggan ku duugan, oo aan ku raaci karno ama ku diidi karno qoraaga, mar kale waxan leeyahay Muddane Xirsi mahadsanid dhiiranaanta iyo ku dhacaa yimi wakhtigiisi.

F.G. Qoraalkani waxa u ka turjumaya aragtidayda qof ahaaneed, masuuliyadeedana keligay baa qaadana, goobta aan u shaqeeyana shuqul iyo shawr toona kuma laha.

Suxufi Jaamac Nuur Axmed

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.