Miciinka 1-aad Ee Somaliland Waa Ethiopia

0
392 views

Haa Miciinka 1-aad Ee Somaliland Waa Ethiopia

Inuu qallinku qeexo weedhaha kor ku qorani, uma baahna raadsashada qaacido ama qiil samayn, balse waayaha taariikhda iyo wacdiga noloshii la soo maray ayuunbaynu bogogeeda ay dhaxalka uga tagtay caruur iyo cirroole ka dhex baadhi doona.

Dib u celi uun xasuusta bishii July sannadkii 1988 kii, jihadda koonfureed ee Somaliland waxaa ka soo kacay diyaaradahii Beechcraft Model 18 iyo P-51D Mustangs, waa maalin cad-ceedu fallaadhaheedu dhulka wada gaadhay, cirku ma lahayn daruur, waxaana guuxa diyaaradaha oo joog hoose ku socda lagu arkaayay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.

Si aan kala go’ lahayn ayey labadii saacadoodba mar u garaacayeen guryaha isku raranta u badna ee xaafadaha koonfurta, waqooyiga iyo Berriga caasimadda Hargeysa, halka jihadda galbeed ee Hargeysa-na lagu rakibay hubkii loogu tallo gallay lidka diyaaradaha oo hoos loo soo dhigay, si aan jixaan jix iyo jibbo midna lahayna loola dhacaayay daarahii iyo danyartii reer Somaliland.

Dacalka Waqooyi ee Somaliland oo ah dhulka xeebta ee galla biyaha bedda cas kuna leexda 58 Km ee xuduudka dhulka ee u dhexeeyey Somaliland iyo Jibouti, waxaa la dhigay ciidamo iskugu jiray kuwa Jamhuuriyadda Jibouti iyo kuwii dawladdii Maxamed Siyaad Barre, waxaana loogu tallo gallay in dadka maatida u badan dumarka, caruurta iyo waayeelka ka cararaayay xabbadda iyo gantaalaha diyaaradaha dagaalku la dhacayaan looga hor istaago inay magan ku gallaan dalka Jibouti.

Maalmo ka hor uun marka, waxaa dalka Jibouti kulan ku yeeshay madaxweynahii Jibouti Xasan Guuleed Abtidoon iyo keligii taliyahii Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, heshiis ay wada galleen labada dhinacna qodobka ugu horeeya wuxuu dhigaayay in xuduudka labada dhinac la xidho, loona diido dad iyo xoolo inay labada qar ee xuduudka u dhaafaan.

Maalmaha uun waa xagaagii sannadkii 1988 kii, dhalinyaro tiradooda lagu qiyaasay 72 oo iskugu jiray rag iyo haween, isla markaana ahaa ciyaalo iskuulkii dugsiyada sare iyo dhexe ka baran jiray magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera ayaa damcay inay ka tallaabaan xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Jibouti, tiro 32 ah, waxaa qabtay ciidamadda dalka Jibouti oo dib ugu dhiibay ciidamaddii dawladdii Maxamed Siyaad Barre, halka intii kalana la sheego in ay ku le’edeen ama ku dhinteen allah u naxariistee hanfiga iyo kulaylka banka gariyaad.

Markii rasaasta, iyo riinka madaafiicda lidka diyaaradaha iyo dhumucda gantaalaha laga soo ridaayay diyaaradahii P-51D Mustangs iyo Hunters ku ay hadh beeleen, ee Hargeysa, Burco iyo Berbera uu dhiigu qul qulay, guryahuna noqdeen xabaalo wadareedyo dadkii sida arxan darrada leh loo xasuuqaayay toban toban loogu aasaayay, waxay bilaabeen maatidii inay naftu biddo inay jihadda galbeed u jeeni qaartaan sida raqdooda iyo ruuxdooda intii hadhay ay ula badbaadaan.

Waxaan xasuusta, maankayga, maskaxdayda iyo miiqa bu’da ee indhahaygu aanay weligood iloobayn subaxii arooryaad ee ay maatida iyo caruurtii aan ka mid ahaa iyagoo saf dheer ku jira, yar iyo weynba garabka iyo gacantana is haysta ay dacalka galbeed uga baxeen magaalo madaxdii Somaliland ee Hargeysa, korka waxaa heehabaayay diyaaradahii dagaalka taliskii Maxamed Siyaad Barre, daqiiqad kastana cirka iyo dhulku wuxuu isku bedelaayay midabyo kala duwan oo ay samaynayeen gantaalahii laga soo ridaayay taliskii qaybta ee magaalada Hargeysa, uurradda iyo qiiqa ayaa indhaha iyo afkaba ka gallaayay maatida iyo caruurta.

Waxaan ilaahay maalinta qiyaame la hor tagaya, anigoo 7 sanno jira inaan ka dul tallaabsaday maydka Aabo iyo laba wiil oo uu dhallay oo gurigooda lagu hor toogtay agagaarka idaacadda Radio Hargeysa, waxaan weli xasuusnahay oo aan maankayga ka bixin, Aabahu wuxuu xidhna shaadh cad iyo surwaal kaaki ah, labada caruur ahina midi dhabarka ayuu ugu xidhna ka kalana halka lugta ayuu wajigiisu ka saarna, maydkoodu wuu is dul yaallay, waxaa guriga la mariyay is tallaab ah, lama geli karo.

Dad lagu qiyaasay 1 malyuun oo qof oo reer Somaliland ah , ayaa maalin keliya ay dawladda Ethiopia u furtay xuduudkeeda galbeed, waxaana ay dawladda Ethiopia u ogolaatay in gudaha dalkeeda looga dhiso xeryo qaxoonti, kuwaasi oo haayadahii qaramada midoobay ay ku gacan siiyeen, halka 370 kun oo ka mid ah qaxoontigaasi ay u dhaafeen xeryaha qaxoontiga isla markaana ay nolol ka samaysteen magaalooyinka waaweyn ee dalka Ethiopia, iyagoo ugu noola sida dadka caadiga ah ee Ethiopianka ah.

Harta Sheekha, Ballayal, Kaam Abokor, Dulcad, Dabaylka, Laanqayrta, Xarshin ilaa magaalada Jigjiga ayey dadka Somaliland si teel teel u degeen, iyadoo dadkii Ethiopianka ahaa si qalbi iyo niyad ah ay dalkooda ugu ogolaatay.

Waxaanan iloobin magaalada Baabulay oo u dhaw magaalada Herer ee dalka Ethiopia sannadkii 1988 kii, oo aanu soo maray anagoo qoys ahaan ku sii jeedna magaalada Diridhaba, waxay indhahaygu arkayeen dadkii qaxoontiga ahaa ee safarka ahaa ee ka yimid Somaliland, oo ciidamaddii militeryga ee Ethiopia ay u baneeyeen mid ka mid ah xeryahii milteryga, halkaasina ay ku gallab dhacsadeen.

Dib u celi xasuusta oo yaan qallinku bogaga taariikhda la taraarin eh, Ethiopia way awoodi karaysay sida Jibouti-ba yeeshay inay xuduudkeeda xidhato wakhtiga, taasina waxay sababi lahayd in dad iyo duunyo shacabkii Somaliland la xasuuqo, weliba ku darso, maalmaha Mengista Hailamarium iyo Maxamed Siyaad Barre waxay kala saxeexdeen, heshiis dhigaayay in jabhadahii SNM laga soo saaro Ethiopia, halka ay dawladdii Maxamed Siyaad Barre kaga bedelatay, inay ka tanaasulayso sheegashada dhulkii Soomaali galbeed ay u taqaanay ee Soomaalida Ethiopia ee ay kula dirirtay Ethiopia 1977 kii.

Haa, Miciinka Somaliland waa Ethiopia, haddana rog mid ka mid ah bogaga taariikhda Somaliland, 1991-kii bishii May 18-keedii markii Somaliland dib ula soo noqoshadeeda lagaga dhawaaqay magaalada Burco, saraakiishii militeryga iyo kaadiriyiintii siyaasadda ee ururkii SNM, midna maanka kuma hayn qorshaha uga yaalla albaabka koobaad ee Somaliland u marayso bulshada caalamka si ay masiirkeeda ay gaadhay maalmaha u iib gayso.

1991 kii, dawladdii Cabdiraxman Tuur waxay u dirtay Ethiopia wefdigii ugu horeeyey ee Somaliland ee dibad u baxa, waxaa hogaaminaayay guddoomiyahii golahii ugu horeeyey ee baarlamaanka Somaliland, ahaana guddoomiyaha golaha dhexe ee ururkii SNM, rabbi ha u naxariisto eh Ibraahim Maygaag Samatar, iyo wasiirkii arrimaha dibadda ee dawladdii madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali waa Sheekh Yuusuf Sheekh Cali Madar allah labadaba ha u naxariisto oo qabriga ha u nuuro eh.

Waxay marka la kulmeen wasiirkii arrimaha dibadda ee dalka Ethiopia ee wakhtiga Mr. Tesfeye Tedese, waxaana ay Ethiopia u ogolaatay Somaliland inay si gaar ah oo ka duwan qaybahii siyaasadda Soomaaliya ay Somaliland ula macaamisho, ogobeey maalmaha magaalada Addis Ababa waxaa uga socday hogaamiyayaashii siyaasadda ee Soomaaliya shirar.

Sannadkii 1994-ii, Raysal wasaarahii hore ee dalka Ethiopia Meles Zenawi, wuxuu si rasmi ah u martiqaaday madaxweynahii Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waana markii ugu horaysay ee taariikhdii 3 sanno jirtay ee Somaliland, uu hogaamiye dal kale oo hogaamiyahii Somaliland si gaar ah ula kulmo una qaabilo.

Weliba ku darso, dawladda Ethiopia waxay usoo dirtay madaxweyne Cigaal diyaarad khaas ah, waxaa ka sii horeeyey oo usii gogol xaadhay wefdi uu hogaaminaayay wasiirkii arrimaha dibadda Maxamed Nuur Galbeedi.

Ethiopia waxay u ogolaatay Somaliland inay u noqoto albaab ay Somaliland bulshada caalamka u marto, dawladdii Zenawi, waxay u ogolaatay xukuumadda madaxweyne Cigaal, dhawrkani arrimood

1. Inay Ethiopia tababar siin doonto ciidamadda ammaanka ee Somaliland
2. Inay Ethiopia Somaliland gacan ka siin doonto una fududayn doonto la xidhiidhka bulshada caalamka ee xaruntoodu tahay magaalada Addis Ababa.
3. inay Ethiopia ula macaamili doonto Somaliland si maamul madax bannaan.
4. Inay Ethiopia Somaliland u furi doonto jidka ganacsi oo labada dal wadaagaan.

Waxaa kale oo dawladda Ethiopia ay shacabka Somaliland boqolaal kun oo ka mid ah ay siisay oo u ogolaatay dhokomantiyadeeda socdaalka.

Sannadkii 2004-tii Ethiopia waxay noqotay dalkii ugu horeeyey ee bulshada caalamka ee safaarad rasmi ah ka furata Somaliland, weliba safaaradda waxaa loo soo magacaabay oo safiir looga dhigay danjirahii dawladda Ethiopia u joogay magaalada Brusseles ee xarunta midawga Yurub oo loo soo bedelay Hargeysa Ambassador Wubishet.

Qolooyinka walla-weynta ee maanta iigu baanaya “Ethiopia waa cadawga jinsiga Soomaaliyeed” ayaa waxay halhays u leeyahiin maahmaah tidhaahda “Deriskaa dagaalkaaga rabaa, dooradaada ceshaas ku dhahaa” Sallaan Carabayna wuxuu yidhi:

Xinjirtaan wafoobine kolkay xuurtu kor u yeedhay
Xisdii inaanan kaa galin tolkaan xog ina moogayne
Xasan Nuurna way marag haddii rag isu xaydnaaye
Waxba yaanu xeerkay i marin xoolana i siine
Xaasha’e nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe.

Ethiopia way taqaana miisaanka ay Somaliland ugu fadhido, Somaliland dadkeeda iyo dalkeeduna way yaqaaniin miisaanka iyo sharafta ay Ethiopia ugu fadhido, walaalkay maanta laga dhigi maayo wad-qabahii shallay maatidayda iyo caruurtayda qallanaayay, cadawgaygana maanta laga dhigi maayo diir-naxahii, daalinka iiga hiiliyay, ee gurigiisa iyo gashigiisaba igu badbaadshay

Dadka reer Somaliland waxaan leeyahay gobolka bari iyo geeska Afrika miciinkiinu waa Ethiopia ogaada, hadday idinku dhacdo allah kama yeelo eh, tii shallay idinku dhacday, halka ubucdiinu taalla waa Ethiopia ogaada, qolada walla-weyna waxaan leeyahay “Deriskaaskaa marna ku dayo marna ku diin” 27 sannadood ayeydun gamta iska dhigteen, idinka cadaw iskugu filan, ilaahay quraanka wuxuu ku sheegay inaanu qoomna dullayn, ilaa ay is dulleeyaan, Ethiopia aniga ila colaysiin maysid, iiguna baani maysid, waxaan idin leeyahay “Gumur uraasa, weyne gurudee”.

Mohammed Abdi Hassan Diridhaba

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.