Michael Keating Oo Sheegay In Bulshada Sool Xaq U Leedahay Go’aaminta Mustaqbalka Xiisadda Tukaraq

0
454 views
Michael Keating Oo Sheegay In Bulshada Sool Xaq U Leedahay Go’aaminta Mustaqbalka Xiisadda Tukaraq
Danjire Michael Keating

Michael Keating Oo Sheegay In Bulshada Sool Xaq U Leedahay Go’aaminta Mustaqbalka Xiisadda Tukaraq

Garoowe(Sayruuq) Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Amb Michael Keating oo shalay kulan kula yeeshay magaalada Garoowe hoggaamiyaha maamulka Puntland Cabdiwali Gaas ayaa sheegay in xiisadda Tukaraq ka taaggan ee u dhexeysa Somaliland iyo Puntland ay door ku leeyihiin dadweynaha deggan degaannadaasi.

Cabdiwali Gaas oo ay shir jaraa’id wada qabteen Keating wuxuu sheegay in ay u gudbiyeen mawqifkooda oo ah in Somaliland ku soo duushay dhul Puntland leedahay sidaa awgeedna aanu xal nabadeed iman Karin ilaa Somaliland ka baxdo gobolka Sool waxaanu ku celiyay iclaaminta dagaal oo uu muddooyinkii u dambeeyay saxaafadda ka sheegayay.

Danjire Keating oo u muuqda mid aanu mawqifka Gaas rajo nabadeed galin ayaa ku dooday in dadka degaanka la isku haysta xaq u leeyihiin aayo ka tashigooda “ Waxaanu falanqaynay xaaladda Tukaraq, halkaas oo aan filayo in ay tahay in aynu ka hor tagno isku dhac dambe oo aynu u helno xal siyaasadeed, kaas oo ay isla ogol yihiin Somaliland iyo Puntland laakiin, sidoo kale ay ku lug leeyihiin bulshada gobolku go’aanka mustaqbalkooda, taas weeye waxa Qaramada Midoobay doonayso in ay ka caawiso Soomaalida dhammaan, waxaanan rajayn in arrimahaas aynu hore ugu dhaqaaqno todobaadada soo socda,” Sidaas ayuu sheegay Mr Keating.

Dawladda Somaliland oo ku doodaysa xuduudaheedii 1960 intii aanay la midoobin Soomaaliya ayaa rumaysan in bulshada gobolka Sool yihiin muwaadiniinteeda ay ka masuulka tahay mustaqbalkooda halka Puntland ku dacwoonayso in ay isku isir yihiin.

Danjire Keating ayay hore isugu jiidheen madaxweyne Muuse Biixi xiisadda Tukaraq kadib markii uu u soo diray warqad ku saabsan colaadda oo u muuqata mid gardarrada Somaliland saaraysa lamana oga jawaabta madaxweyne Biixi ka helay ashkato uu ugu gudbiyay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Source: Wargeyska Waaberi

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.