Maxkamadda Hargeysa Oo Digniin U Dirtay Ajaanibka Baabuurta Wata

0
404 views
Maxkamadda Hargeysa Oo Digniin U Dirtay Ajaanibka Baabuurta Wata

Maxkamadda Hargeysa Oo Digniin U Dirtay Ajaanibka Baabuurta Wata
Hargeysa(Sayruuq) Maxkamadda Degmada Hargeysa ayaa xukun 6 bilood ah iyo ganaax lacageed oo dhan saddex milyan oo shilin Somaliland ah ku riday midkiiba 22 qof oo lagu eedeeyay in ay bilaa liisan ku wateen baabuur. Waxa xorriyaddooda helay 3 qof oo maxkamadda loo keenay sharciyadda wadista baabuurta.
Arrintan ayaa timid iyada oo dhawaan taliska ciidamada booliska Somaliland sheegay in ay hawlgal ka dhan ah dadka bilaa sharciga ku wata baabuurta ay bilaabeen laguna xidhxidhay dad badan iyo gaadiid. Arrimahan ayaa la sheegaya in amniga iyo shilalka baabuurta lagaga hor tagayo.
Cabdirashiid Maxamed Xirsi (Beergeel) guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa ayaa ku dhawaaqay xukunka “Midkiiba waxay Maxkamaddu ku xukuntay lix bilood oo xadhig ah iyo min saddex malyan oo ganaax ah si loo ilaaliyo naftooda iyo nafta dadweynaha ku dhaqan Jamhuuriyadda Somaliland, hantidooda iyo hantida dadweynaha labadaba waxaanay maxkamaddu xorriyaddooda u celisay 3 eedaysane oo maxkamadda hor keenay sharcigooda iyo liisamadooda,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiyuhu.
Waxa kale oo uu digniin u diray dadka ajaanibka ah ee bilaa sharciga ku wata baabuurta “ Wasaaradda Gaadiidka waxay maxkamaddu ku amraysa in ay dadka ajaanibka ah ee aan lahayn ruqsadda igmashada ama fasaxa ruqsadeed ee liisamada ee magaalooyinka ku dhex wata baabuurta in gaadiidka ay wataan laga xareeyo lagana qaado haddii ay liisan cantataba haystaan oo ay si sharci darro ah u qaateen haddii aanu sharci ugu ogolayn, kuwaas oo nafta dadweynaha JSL waxyeelo naf bax ah gaadhsiin kara ilaa hantidoodana baabi’in kara dibna ha loogu saxo sharciga,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Beergeel.
Guddoomiye xigeenka xeer ilaaliyaha Qaranka Cabdifataax Yuusuf Shandaqiiqo oo soo oogay dacwadan waxa uu sheegay in iyaga oo dawladda metelaya xil ka saaran yahay dacwaynta cid kasta oo dambi gasha sidaas awgeedna ay kiiskan oo kale ku qaadi doonan dadweynaha bilaa liisan lagu qabto. Waxa uu bulshada ku boorriyay in ay taxadar sameeyaan, islamarkaana liisamada qaataan, haddii kale ciqaabta wadeyaasha la xukumay ku dhacday ama mid ka badan lagu ridi doono.
Masuuliyiinta ciidamada waddooyinka ayaa sheegaya in shilalka khasaaraha gaysta ee soo badanaya ay qayb ka yihiin khibrad la’aanta wadeyaasha aan sharciga u haysan kaxaynta baabuurta waxaana la filaya in culaysyada noocan ahi kor u qaadan in dadka sharciga u leh oo kaliya kaxeeyaan gaadiidka.

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.