Maxkamad racfaan oo ka hor timid amarkii madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump

0
1 views

Washington(Sayruuq)- Maxkamada federaalka darajada sagaalaad ee racfaanka Mareykanka ayaa diiday in amarki uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu uga mamnuucay qaxootiga iyo muwaadiniinta kasoo jeeda 7 wadan oo ka mid ah dalalka Islaamka ineey soo galaan Mareykanka.

Guddi ka koobnaa sadex garsoore oo ka tirsan Maxkamada federaaliga ee Racfaanka ee magaalada San Francisco ayaa si wada jir ah u diiday racfaan ay Waaxda Caddaalada Mareykanka ka qaadatay todobaadki hore go,aanki garsooraha maxkamada Seattle James Robart uu ku hakiyey g,aankii madaxweynaha.

Hadal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka oo kaga jawaabay go,aanka maxkamadda, ayuu madaxweyne Trump ku yiri:”Waxaan isku arki doonnaa maxkamada, amniga wadankeena wuxuu ku jiraa khatar,”Waxa kale oo uu sheegay in ugu danbeyntii uu maamulkiisa kuguuleysan doono kiiska.

Dhinaca kale, xeer ilaaliyaha guud ee maxkamada gobolka Washington, Bob Ferguson ayaa shir jaraa,id oo uu ku qabtay magaalada Seattle wuxuu ku sheegay in Mareykanka uu yahay dal leh sharci, qaanuunkana uu qabto dhamaan dadka oo dhan oo uu ku jiro madaxweynaha.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here