Maxay Ka Samaysan tahay Koofiyadda Boqor Iimaan?

0
65 views
Maxay Ka Samaysan tahay Koofiyadda Boqor Iimaan?

Maxay Ka Samaysan tahay Koofiyadda Boqor Iimaan?

Boqor Axmed Iimaan Warsame oo ka mid ah madaxda dhaqanka Soomaalida gaar ahaana dhaqanka bulshada Gabooyaha ayaa sharraxaad ka bixiyay noocyada ay ka samaysan tahay koofiyaddiisa oo ah mid si weyn loo sharraxay iyo agab kale oo ku lug leh dhaqankii Soomaalida ee hore.

Waxa kale oo uu sharraxaad ka bixiyay takoorka lagu hayo bulshada uu madaxda u yahay isaga oo dawladda iyo bulshada kale ee Somaliland ugu baaqay in ay jabiyaan dabarka takoorka, waxaanu ammaanay dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo uu sheegay in ay dhawaan qabteen shir cajiib ah oo wax badan ka bedelaya kala qoqobnaantii bulshada gabooyaha iyo bulshada kale.

Boqorka ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan loo aqoonsaday boqorka Geeska Afrika ee dadka laga tirada badan yahay, islamarkaana uu hadda kaadhkiisa ay siiyeen midawga Yurub ku tago meelo badan oo dalalka Geeska Afrika ah. Shirka Jigjiga ayuu sheegay in madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar wax badan ka qabanayo arrimaha takoorka oo ay ka mid tahay isu guurinta boqol hablood iyo wiil oo ka soo kala jeeda labada bulsho.

 

  1. Warbixin Laga Diyaariyay Sababaha Keenay In Aan Bulshada Soomaalidu Ka Guursan Beellaha La Hayb Sooco
  2. Gabadh Dhalinyaro Ah Oo Soo Bandhigtay Nabarro Ay Qoyskeedu Ugu Geysteen Wiil Gabooye Ah Oo Ay Calmatay

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.