Maxay Ka Dhigan Tahay Wufuudda Xukumadda Muuse Qarsoodiga U Dirtay?

0
93 views
Maxay Ka Dhigan Tahay Wufuudda Xukumadda Muuse Qarsoodiga U Dirtay?

Maxay Ka Dhigan Tahay Wufuudda Xukumadda Muuse Qarsoodiga U Dirtay?

Todobaadkan weftiyo ka socda Somaliland ayaa u kala baxay Soomaaliya iyo shirweynaha Soomaaliya uga socda waddanka Biljimka. Wefti sheegay in ay maamulka Soomaaliya ee Puntland kala hadlayaan xiisadda Tukaraq ayaa ka soo laabtay Garoowe halka wefti uu ka mid yahay Eng Faysal Cali Waraabe u joogaan Brusells arrimo ku saabsan shirka Soomaaliya loo qabtay.

Weftiga ka yimid Garoowe oo madax dhaqan iyo ganacsato ahaa wuxuu sheegay in ay ogolaansho ka haysteen xukumadda madaxweyne Biixi, islamarkaana dadka ay kula kulmeen Garoowe wixii ay kala yimaadeen xukumadda uga xog warrami doonaan. Dhanka Puntland odayaasha kulanka u joogay waxay sheegeen in kaliya ay isla qaateen in maxaabiista la isu celiyo. Halkan ka akhri warkaas

Eng Faysal Cali Waraabe, Cali Khaliif Galaydh iyo Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo lagu yaqaan in ay si dhaw ula shaqeeyaan madaxweyne Biixi ayaa iyaguna ku hawlan qorshe loogu yeedhay cadaadis la saarayo sidii aan wax looga bedeli lahayn hannaanka gaarka ah ee caalamku ula macaamilo Somaliland waxaanay hawlaha ka wadaan shirka Soomaaliya loogu qabtay Brusells.

 

Prof Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa isna sheegay in madaxweyne Biixi ka codsaday in uu beesha Marreexaan ee Puntland uu ka gaadhsiiyo farriin nuxurkeedu yahay in aanu madaxweynuhu doonayn dagaal ka dhan ah Puntland sidaas awgeed hannaan nabadeed la isugu yimaaddo laguna dhammeeyo khilaafka jira. Halkan ka akhri warkan

Arrimahan ayaa u muuqda in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku haftay siyaasadda gudaha iyo dibadda ee dalka. Waxay u muuqata in uu hadda ka fikirayo sidii uu uga dabaalan lahaa dagaalka Tukaraq inkasta oo xilligiisii ololaha iyo intii uu xilka hayayba ku taamayay in Garoowe lagu murmi doono. Weedhihiisii dagaalka u badna ayaa markii dambe isu bedelay kuwo nabadgalyo lamana oga culayska saaran. Sidoo kale xiisadda Ceelafweyn ayay xukumaddu faraha kala baxday waxaana ku hawlan waxgarad Somaliland kadib aamminaad la’aan xukumadda ah.

Maamulka Puntland iyo Cabdiwali Gaas ayaa wali garaacaya durbaanka dagaalka iyaga oo hab qabiil u aloosaya colaad bulshada reer Sool kaga hor timaaddo Somaliland waxaanay u muuqata in taasi tahay tan culayska saartay madaxweyne Biixi. Cali Khaliif oo ka ag dhaw xukumadda ayaa dhawaan sheegay in dagaalka Tukaraq baadil yahay Somaliland oo aan dhammayn heshiisyada reer Sool-na aanay ahayn in ay ku duusho Tukaraq.

“Somaliland Ma Joogto Shirka Biljimka,” Wasiir Cawad

Sayruuqnews/Faallo

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.