Maxay Iska Kaashanayaan Somaliland Iyo Liberland Oo Midkoodna La Aqoonsan?

0
31 views

Hargeysa(Sayruuq) Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Liberland ayaa kala saxeexday heshiis hordhac ah oo iskaashi. Dalalkan aan la aqoonsanayn ayaa iskaashigoodu ku salaysan in ay codkooda mideeyaan, iskana taageeraan wixii ay isku dhaamman ee dhinaca horumarka ah.

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay in hoggaamiyaha Liberland iyo wefti la socda oo dalka jooga ay si fiican u qaabileen, islamarkaana ay geeyeen magaalada Berbera. Waddankan ayaa ku yaalla Waddamada Yurub ee Kureeshiya iyo Serbiya dhexdeeda, waxaanu aqoonsi raadiska bilaabay burburkii wadankii Yuguslafiya kadib.

Waxaanu iska kaashan karna waxyaabo badan; waayo aragnimo waanu iska kaashan karna, Waddanka Liberland waa Yurubiyaan marka afhayeen ayuu nooga noqon kara qaaradda Yurub,marka waxyaabo badan baanu kala faa’iidayna,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad oo BBC-da la hadlayay.

Wasiir Sacad waxa uu sheegay in ay Somaliland iyo Liberland kala saxeexdeen qodobo dhawr ah oo Isfahan guud ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin iskaashi dhinaca tamarta ah, iskaashiga teknoolajiyada iyo iskaashi dhinaca dhaqaalaha ah.

Somaliland iyo Liberland ayaa kuwada jira ururka ay ku bahoobeen waddamada aan la aqoonsan ee caalamka. Waddamada aqoonsi raadiska ah ee dunida ayaa lagu qiyaasa inka badan 50 Waddan waxaana hormuud ka ah Kurdistaan oo shalay afti Madaxbannaani ah dadkeeda ka qaaday, Catalonia oo kowda bisha soo socota afti qabanaysa iyo waddamo kale.

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here