Maxay Google Iyo Facebook Xog Kaa Hayaan?

0
440 views
Maxay Google Iyo Facebook Xog Kaa Hayaan?

Maxay Google Iyo Facebook Xog Kaa Hayaan?

Shirkadaha Google iyo Facebook waxay ogyihiin wax kasta oo uu sameeyo qof isticmaalaya aaladaha casriga ah(Smartphones) haddii uu Online ama offline yahay. Waxay kaydiyaan dhammaan macluumaadka xataa haddii qofka telefoonka ama Computer-ka leh masaxo macluumaadka(Deleted). Waxay hayaan farriin ama fayl kasta oo aad dirtay ama laguu soo diray, cod, qoraal, sawir, muuqaal iyo xidhiidhada aad telefoonkaga ku samaynayso.

Mr Dylan Curran oo ah la taliye dhanka farsamada iyo horumarinta website-yada ah ayaa soo bandhigay macluumaadkan soo socda waxaanay Sayruuqnews ka soo minguurisay bogga telefishanka Aljazeera oo lagu daabacay:-

  • Google waxa uu haya meesha aad joogto markasta oo aad telefoonkaaga furto (hadii aad furto location-ka) waxaanu ku tusi karaa ilaa maalintii aad bilawday isticmaalkiisa; https://www.google.com/maps/timeline
  • Google wuxuu kaydiya taariikh baadhiseedkaaga(Search history) dhammaan aaladaha aad u isticmaashay database-yo kala duwan, xataa haddii aad masaxdo(deleted) baadhistaada telefoonka wali isagu wuu haya ilaa aad tagto meesha aad ka masaxayso dhammaan aaladaha aad adeegsatay: https://myactivity.google.com/myactivity
  • Google waxa uu sameeya xayaysiin ku salaysan Profile-kaaga iyo macluumaadkaaga oo ay ku jiraan; meesha aad joogto, jinsigaaga(Lab ama dhegid), da’daada, balwadaha, xirfadaha, xiisaynta, xidhiidhka, culayskaaga iyo dakhligaaga: https://adssettings.google.com/authenticated
  • Google wuxuu kaydiya dhammaan APPs-ka aad isticmaasho, sida aad u isticmaasho, goorta iyo goobta, cidda aad kala xidhiidho(Kumaad kala hadasha Facebook, dalalkeed la hadasha, goorma aad hurdada aadda..)https://myaccount.google.com/permissions?pli=1
  • Google wuxuu kaydiya diwaanka dhammaan waxaad Youtube ka baadhay ama ka daawatay waxaanay halkaas kala socdaan dareenkaaga, xattaa Diintaada, in dhib ku haysto, iyo wixii la mid ah ayay halkaas ka fahmi karaan: https://www.youtube.com/feed/history/search_history

Facebook

  • Sidoo kale Facebook waxay kaydiyaan wax kasta oo ay filayaan in aad ka heshay iyaga oo ku salanaya in aad xiisaysay sida in aad Like saartay ama waxa adiga ama saaxiibada ka hadleen;
  • Sidoo kale waxay kaydiyaan astaamaha(Stickers) aad waligaa facebook ku adeegsatay;
  • Sidoo kale waxay kaydiyaan mar kasta oo aad facebook soo gasho, wakhtiga aad soo gashay, meesha aad ka soo gashay iyo aaladda aad ka soo gashay;
  • Waxay haystaan faylasha aad dejisatay, ciyaaraha aad ciyaartay, sawirrada, muuqaallada, heesaha, waxyaabaha aad baadhay, Browser-rada aad isticmaashay iyo xataa idaacadaha aad dhegaysatay;
  • Tani waa waxyaabaha ugu waallida cas casrigan; waligeen uma ogolaanayno dawladaha iyo shirkaddaha in ay guryaheena soo dhigtaan makarafoono iyo kamarado ay inagu basaasayaan laakiin, hadda ayaynu wajahnay oo lafaheena ku samaynay.

Source: Aljazeera: What Google and Facebook know about you

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here