Maxay Afrika U Taageeraysa Xulka Faransiiska?

0
316 views
Maxay Afrika U Taageeraysa Xulka Faransiiska?

Maxay Afrika U Taageeraysa Xulka Faransiiska?

Waxaa niyad jab ku dhacay tageerayaasha qaaradda Afrika kaddib markii dhammaan xulalka Senegal, Nigeria, Masar , Morocco iyo Tunisia lagu reebay wareegga kowaad ee cayaaraha Koobka Adduunka balse tageerayaasha qaar waxay leeyihiin weli rajo ayaa jirta.

Dadka qaar ee baraha bulshada isticmaala waxay si jeesjees ah kusoo qorayaan “weli waxaan haysanaa xulka Faransiiska oo hadda u gudbay cayaaraha rubac-dhammaadka”

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo dhawaan booqasho ku tegay dalka Nigeria wuxuu ka codsaday shacabka Nigeria inay taageeraan xulka Faransiiska ee ka qayb galaya Koobka Adduunka maaddaama cayaartoyda Nigeria ay ku hadheen wareegga koowaad.

Sida xaqiiqda ah, xulka Faransiika waxaa u dheela ilaa 14 cayaartoy oo Afrikaan ah, waxaana kamid ah Paul Pogba.

Maxay Afrika U Taageeraysa Xulka Faransiiska?

Paul Pogba walaalkiis Florentin wuxuu u cayaaraa xulka Guinea, halka Steve Mandanda walaalkiisa Parfait uu isna u dheela xulka Jamhuuriyadda dimuqraadiga ee Congo.

Maxay Afrika U Taageeraysa Xulka Faransiiska?

Cayaaryahanka dhanka weerarka uga dheela xulka Faransiiska Kylian Mbappé uu aabihiisa kasoo jeedo dalka Cameroon halka hooyadiisa ay ka dhalatay qoys kasoo kala jeeda Faransiiska iyo Algeria.

Maxay Afrika U Taageeraysa Xulka Faransiiska?

Xulka Belgium waxaa ka dheela 8 cayaartoy oo Afrikaan ah, cayaartoydani mid kamid waalidkooda ayaa kasoo jeeda qaaradda. waxayna kala yihiin Kompany, Fellaini, Lukaku, Dembélé, Boyata, Batshuayi, Chadli iyo Tielemans.

Xeerka Fifa ee muwaadininmada ku salaysan

  • Cayaartoyga u dheela xul qaran ma aadi karo xul kale oo qaran.
  • Xeerka ma saamayn doono cayaartoyda ka qayb qaadanaya cayaaraha saaxibtinimo, tusaale ahaan Diego Costa wuxuu cayaar saaxibtinimo u dheelay xulka Brazil.
  • Cayaartoyda aanan u dhalanin dal, waxaa loo ogolyahay inay dalkaasi matalaan waa haddii ay ku noolaadaan dalkaasi muddo shan sanno ah.
  • Balse cayaartoyda qaxootiga ah waxay u cayaari karaan xul qaran marka ay helaan dhalashada dalka ay u dheelayaan.

 

Xulalka Ingiriiska Sweden, Uruguay, Brazil, Russia and Croatia waxaa u dheela cayaaryahanno Afrikaan ah.

Delle Alli wuxuu u dheela xulka Ingiriiska aabihiis wuxuu kasoo jeeda dalka Nigeria halka Danny Welbeck waalidkiisa ay kasoo jeedaan dalka Ghana.

John Guidetti oo u dheela xulka Sweden ayaa yaraantiisii kusoo koray dalka Kenya, tageerayaasha kubadda cagta ee Kenya ayaa baraha bulshada ku baahiyay sawirka John Guidetti oo da’ yar.

Wargeyska The Standard ayaa soo xigtay John Guidetti oo leh ” waxaan xiriir xoogan la leeyahay Kenya markasta aan Kenya ku laabto si diiran ayaa la ii soo dhaweeya”

Tabbabarihii hore ee John Guidetti, Chris Amimo ayaa sheegay in aabaha dhalay cayaartoygan uu ka shaqeyn jiray Iskuul uu gacanta ku hayn jiray Sweden oo ku yaalla dalka Kenya.

Source: BBCSomali

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.