Maxamuud Xaashi Muxuu Ka Yidhi Awooddii Aamina Waris?

“..Madaxweynaha ayaa Cabdi Oo Aanay Muddo Is Arag Salaamay Markaas ayuu Cabdi yidhi ‘madaxweye waxa la yidhi waad asaasaqday oo waad taqaaquftay, sowdigan i gartay..,” Maxamuud Xaashi

0
174 views
Maxamuud Xaashi Muxuu Ka Yidhi Awooddii Aamina Waris?

Maxamuud Xaashi Muxuu Ka Yidhi Awooddii Aamina Waris?
Hargeysa(Sayruuq)-Wasiirkii hore ee madaxtooyada xukuumadii madaxweyne Siilaanyo Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay xaaladda caafimaad ee madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo buug uu qoray Xirsi Cali Xaaji Xasan lagu sheegay in xasuustiisu ay hoos u dhacday.

waxa uu Maxamuud Xaashi sheegay in aanu goob joog ka ahayn meel uu madaxweyne Siilaanyo isku casilaayay oo loogu yeedhay isaga iyo wasiir Xirsi, waxa uu ka hadlay saamaynta xukuumada ee Aamina Waris marwadii Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu ka sheekeeyay dhacdooyn tiro badan oo uu sheegay inay muujinayaan sida uu hogaaminta dalka gacanta ugu hayay madaxweyne Siilaanyo xiligii uu xilka hayay.

Xirsi Cali X. Xasan oo wasiirka madaxtooyada ahaa shanti sanno ee u horeeyay muddo xileedka Siilaanyo ayaa buuggiisa Miyi ilaa Madaxtooyada ku sheegay in madaxweynaha oo wakhti yar xilka hayay dareemay in xasuustiisu hoos u dhacday, islamarkaana go’aansaday in uu iscasilo. Waxa uu dhacdadaasi makhraati gashay Maxamuud Xaashi Cabdi iyo marwo Aamina Waris oo uu sheegay in ay labadooda kulan ugu yeedhay markii arrintu timid. Hase ahaatee Maxamuud Xaashi oo telefishanka Eryal u warramay ayaa arrintaasi beeniyay waxaanu u dhacay waraysiga Mr Xaashi sidan:-
Buugii Xirsi Xaaji Cali Xasan oo hadalhayntiisu ay badatay xafladii daahfurkiisana aad ka qaybgashay sideed u aragtaa?
Maxamuud Xaashi: “Buugaas uu qoray Xirsi Cali Xaaj ee uu ugu magac daray ‘Miyiga ilaa madaxtooyada’ xafladdii lagu soo bandhigaayay waa aan ka qaybgalay hadalna waan ka jeediyay hadalkii aan halkaas ka sheegay waxa ka mid ahaa inaan ka afeeftay in aanan buugaas akhriyin xiligaan hadlaayay, buugaasina waxa uu la soo baxo uu leeyahay, waan arkaa sida buugaas loo hadal hayo waxaan jeclahay in aanan buugaas wax faalo ah anigu Maxamuud ahaan aanan ka bixin oo aan u daayo qiimayntiisa iyo ka fal celintiisa bulshada Somaliland, waxgaradka, bahda qoraalka waxii gafaf ku duugan iyo waxii uu wanaag leeyahay.”

Xirsi Cali Xaaji waxa uu buuggiisa ku xusay 45 cisho kadib markii uu madaxweynuhu xilka qabtay in laydiin yeedhay arintaas maxaad ka leedahay?

“Arintaas uu Xirsi buuggiisa ku qoray anigu Maxamuud ahaan goob joog kamaan ahayn kulan na loogu yeedhay madaxweynuhu xiligaas uu talada dalkaba ku cusbaa ee uu buul cawska ahaa, kulan na loogu yeedhay oo micnihiisu daaranaa in madaxweynaha xasuustiisu luntay ama xumaatay oo uu iscasilay, la ladqabeeyay oo uu walwal ka muuqdo arintaas anigu goob joog kamaan ahayn, sidaas darteed dhacdadaas markhaati kama ihi, waana mid aan sugnayan.”
Waxa uu Xirsi ku qoray buugiisa in labadii sano ee ugu danbeeyay ay marwada madaxweyne Siilaanyo talada ku soo dhawaatay xilka madaxtooyadana adigaa hayay, sideed u aragtaa?

“Waxa uu wax ka sheegi karaa muddo xileedkii uu joogay madaxtooyada mudadaasna waa uu ka warramay oo marwada madaxweynaha waa uu bari yeelay amaanta iyo sifooyinka ay lahaydna waa uu sugay aniguna waan sii adkaynayaa, marwo wanaagsan oo aqoon yahan ah oo ilaalisa sharafta ninkeeda oo iska dhawrta inay fara farayso maamulka dawlada wasiirrada aan tilifoono kula hadal ayay ahayd, mudada labada sano ahna sidaas ayay ahayd, Xirsi haduu bari yeelay Marwo Aamina Waris mudadii uu joogay mudo aanu joogin eedaynta uu eedeeyaa waa mid jaban, waayo ruuxna kama waramo meel aanu markaas joogin, waxay u eegaanaysaa hadal aan loo miidaan dayin, marag waxba kama furo meel aanu joogin.

Xaalada caafimaadka ee madaxweyne Axmed Siilaanyo oo aad la soo shaqaysay ayaa wax badan laga yidhi adigu maxaad ka odhan lahayd arintaas?
Madaxweyne Siilaanyo waxaan la soo shaqeeyay wakhti dheer waxaan ahaa gacan yarihiisii xiligii uu halganka ugu jiray jagada madaxweyne nimada ee uu ku guulaystay, waxaan ahaa todoba sano wasiiradii kaaliyayaashiisa ahaa, waxaan ahaa gacan yarihisii gaarka ahaa labadii sano ee ugu danbeeyay, caafimaadka madaxweynihii hore ee JSL Axmed Siilaanyo waxa uu ahaa mid wanaagsan, garashadiisa iyo caqligiisuba waxay ahaayeen taam, taasi waa ta suurto galisay in todoba sano uu Axmed Siilaanyo dalka iyo dadka kala soo dabaasho duruufo adag oo kala duwan, hadii Axmed Siilaanyo xiskiisu dhiman yahay ama ay wax ka qaldan yihiin dalkana ma hogaamin kareen waxna ma maamuli kareen, waxna ma soo doojin kareen, madaxweyne Siilaanyo muu ahayn nin maxbuus ah oo meel ku xidhan oo ay ka warrami karaan koox iyo raxan ku xeerani, waxa uu ahaa hoggaamiyihii Qarankan, waxa uu ahaa hoggaamiye furan oo bulshada kulamo badan la qaata si maalinle ah, haday tahay xubnihii uu xilalka u magacaabay, haday tahay madaxdhaqameedyadii dalka, madaxda ururda bulshada, madaxda xisbiyada qaranka iyo madaxda dunida ee maalin walba imanaayay qasriga madaxtooyada dhammaantoodba xidhiidh ayuu la lahaa xaaladiisu may ahayn mid la qarinaayo oo mugdi ku jirta, Axmed Siilanayo waxa uu ahaa nin weyn oo da’ ah taas carqalad kumay keenin hogamaamintii iyo xilgudashadiisii toona.
Axmed Siilaanyo oo ninkaas aan xaaladiisa ka waramaayo ah marka la barbar dhigo madaxweynayaashii ka horeeyay waxa uu ahaa madaxweynii ugu xafiis fadhigi badnaa, waxa uu ahaa madaxweynii ugu safarka badnaa dibad iyo gudaba, waxa uu qaamuuska qasriga madaxtooyada ka saaray hal hays la yidhaahdo madaxweynihii ma soo degin oo jiri jirtay, todobada cisho maalinta jimcaha ayuu nasan jiray lixda casho ee kale waa uu shaqayn jiray maalinta isniinta cid ma arki jirin oo waxa uu ku shaqayn jiray dusha sare oo waraaqaha ayuu akhriyi jiray waxii uu qoraayo ayuu qoran jiray, waxa uu ahaa ruuxa caynkaas ah, waxa jirtay xan iyo dacaayado madaxweynaha caafimaadkiisa ka dhan ah oo aan ugub ahayn oo xiligaasba dad cadaw ah, xaasidnimaduba waa ay iska jirtaa ama mucaaradad fogaatay oo cuqdad iyo ciil qab iska leh ayaa jiri karta, arintaas masuuliyiinta mucaaradka ugama jeedo ee waxa iska jiri kara dad waxaas bilaabay, war meelahaas la’la dhukusi jiray ayuu ahaa.

Waxa jiray nin siyaasi ah oo caan ah oo la yidhaahdo Cabdiraxmaan Cismaan Cabdule ( Cabdi Farjar) oo ay Axmed Siilaanyo saaxiib ahaayeen golahii dhexe ee SNM ee ugu danbeeyay ka mid ahaa, golahii wakiilada ee shirkii boorama lagu doortayna ka mid ahaa aniga iyo Axmed iyo Cabdi Farjarba isku gole ayaanu ahayn saaxiib ayay ahaayeen, mudo dheer Cabdi Farjar Axmed Siilaanyo muu arkin waxa Burco ku gaadhay odaygii waa uu asaasaqay waxna kala garan maayo, 2016-kii wakhti aan umalaynaayo madaxweynaha oo safar dibadeed ka soo laabtay ayuu madaarka dadkii kaga hortagay ka mid ahaa kayuugii ayuu galay madaxweynuuna sida caadiga ah marka ay dadku soo dhawaynayaan hareertaas ayuu qoorweynta qaranka kaga soo bilaabaa salaama markii uu Cabdi maraayay uu iyaga oo aan mudo dheer is arag salaamay oo yidhi waar Cabdi Iska waran, markaas ayuu Cabdi oo dacaayadaas maqlayna uu ku yidhi madaxweye waxa la yidhi waad asaasaqday oo waad taqaaquftay, sowdigan i gartay inaga oo aan mudo dheer is arkin, waxaan uga socdaa dhacdooyinkii rutna ahaa ayay ahaayeen.

Source: Geeska Afrika

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.