Maxamuud Xaashi iyo Shirkii Sicir- bararka & soo noqodkii dalka 1990s

0
143 views
Maxamuud Xaashi iyo Shirkii Sicir- bararka & soo noqodkii dalka 1990s

Maxamuud Xaashi iyo Shirkii Sicir- bararka & soo noqodkii dalka 1990s : Prof Cabdi Cali Jaamac

Afeef:
Sheekaba sheekay keentaa uun weeyaane; faalladii aan faalleeyey jawaabtii Maxud Xaashi kama dibaaqayo saaxiibnimada aan saluugay; dee adba daawo jawaabta uu ka bixiyay buugga xirsi; markaa anigaa qaldan haddii aan been ka sheegay!!! Waa se loo fahmi karaa!!! Lama yaabayo qofka sidaa u maleeya!!!; mar haddaan labada sheeko isku xidhiidhiyay!!!

Xilliyadii sicirbararku xumaaday ayaa dhawr jeer madaxda dawladda loogu yeedhay xafiiska madaxtooyada; mid ka mid ah shirarkaas oo aan goob jog ka ahaa, waxa lecture na siiyey Maxud Xaashi; sababaha keena sarif bararka, sida loola tacaalayo iyo illaa immika waxay dawladdu ka qabatay; ka dibna waxa kale oo la isku guubaabiyay in madaxda dawladdu tusaale u noqoto shicibka xagga isticmaalka shilling-ka; anigu maalintaa ma hadal; waan iska aamusnaa; maxaa yeelay wax takhasus u leh mawduuca laga hadlayo anigaa fadhiyay baan filayaa; ma xasuusto cid kale; sheekadan soo socota ayaad ka fahmi sababta aan u hadli waayay!!!

Bilawgii dhawr iyo sagaashankii ayaan isugu nimid Maxu’d Xashi Hargeysa anigoo Xamar ka soo qaxay; isaguna Barlamaankii ugu horreyay ayuu ka mid ahaa; wuxu aad u jeclaa cilmiga dhaqaalaha, maxaa yeelay Siilaanyo oo Role model u ahaa ayaa Economist ahaa; Maxu’d wuxu u ahaa Siilaanyo taageere wayn oo la dhacsan waligiiba (big fan); taasna way ogaayeen dadka yaqaanna oo dhami; markii uu ogaaday in aan cilmiga dhaqaalaha soo bartay wuxu iga codsaday in aan siiyo casharro cilmiga dhaqaalaha ah.

Anigu waxan ka tirsanaa lot-kii u danbeeyey ee ka baxa Jaamacadii Umadda Somaliyeed Sept, 1990; gaar ahaan kulliyadda dhaqaalaha; halkaas baan ku qaatey digriiga kowaad; way jireen innamo aanu xamar ka wada nimi oo ay ku badh go’day; laakiin dad aan xishoonayn ayaa anigoo immika Double Master ah oo soo saaray intaasoo arday yidhaa Cabdi muu dhammaysan digree-giisii kowaad; miaanay talow kuwaasi ogeyn in ay magaalada Hargeysa joogaan lot-kaygii aanu wada dhammaysanay Jaamacadda; maan ahayn madi; waxa maanta Hargeysa Jooga rag badan oo Ciidagale u badan oo aanu isku Class ahayn, oo anu wada dhamaysanay Jaamacadda; waxa ka mid ah Abdisalaam oo UNDP ka shaqeeya; waxa ka mid ah Cali dheere oo leh hay’ad xayawaanka xannnaysa; waxa ka mid ah Maxamed Sheikh oo Toljeclo ah oo muddo dheer ka hawlgalayay Daalo airline iyo rag kale oo dalka dibaddisa iyo gudahaba jooga!!!;

Beenalayaashu waxay is leeyihiin Cabdi kama hadlayo arrinta, ee bal maantaba maxay ka yeeli beentii ay dadka waraabinyeen; waxa iyagana aanu mar wada qalin jabinay oo ahaa lot-kii iyaguna u danbeeyey ee kulliyadda caafimaadka ka qalin jabiya Dr Cagaweyne iyo Dr Abdirahman Madar oo immika Mareykan dhaqtar ka ah; ma jiro lot naga danbeeyey oo ka baxay Jaamacaddii Xamar; halgankii ayaa soo gaadhay; USC ayaa qabsatay Xamar; aniga iyo dad badan oo aan ka mid ahayna waxan u soo ambabaxnay xaggan iyo dalkii.

Sidii caadada ahayd,annaga oo sugayna in nalagu qoro wasaaradaha, ayuu dagaalku qarxay Dec 1990; waxa cajiib ahayd in dhammaan ardayda ka soo qalinjabisa Jaamacadda loo qaybin jiray wasaaradaha; laguma sii deyn jirin suuqa.

Waxan xasustaa in Maxu’d Xaashi guriga iigu iman jiray, xaafadda Shidhka oo aan berigaa degannaa, halkaas oo aan siin jiray casharro ka mid ah cilmiga dhaqaalaha; waxan xasuustaa in aan dhawr cashar ka siiyay buugga kowaad ee laga bilaabo barashada dhaqaalaha; waxa la yaab igu noqotay in Maxud maalintaas lecture-kii uu shirkaas noo jeediyay anigoo meesha fadhiya in aanu marna xataa afkiisa soo marin ama ku afgobaadsan macallinkii dhaqaalhuhuna wuu inala fadhiyaa; haddii aan aamusyana marna igama codsan in aan kalmad ku darsado; sidii baan kaga soo baxay shirkii, anigoo ka yaaban sida la isu dafirayo; wixii guddiyo la saarayay Sicirbararka, maalinna la igama faa’iidaysan, anigoo 15 sano dhigayay sababha keena sicirbararka gaar ahaan ka Somaliland; taasaa la leeyahay meel ha gaadho; waar waxaynu u baahnannahaya siyaasiyiin isku kalsoon, oo waxaanay garanayn dadka waydiiya; ilaahay baa kursiga bixiyee ha isku kalsoonaadaan!!!; adigu saaxiibkaa maalintaa si uun ma u xusi lahayd ama ma u mention garyan lahayd (afka Facebuugga), afgobaadsina ha noqotee?!!

Cabdo; macallinka dhaqaalaha

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.