Maxaad Saldhigfa Berbera Saska Uga Qaaday

0
44 views

Muwaadin maaha inaad cidii qaylisaba aad sacabka u garaacdo,markaad maqasho mucaarid ka sasay arrin ku saabsan hogaaminta dalka,ama talaabo loo qaaday dhinaca dalka hore u marinaya,waa inaad deristaa,waa inaad baadhitaan ku samaysaa hadaanad aqoon u lahayn,kadib waa inaad isu miisaantaa sababaha mucaaridku soo bandhigayo iyo kuwa xukuumada hogaanka dalka haysaa soo bandhigtay.Markaa ayaad go’aan gaadhi kartaa.

Ayaamahan waxa aan media-yaha ku arkaayay,dhegaystay,ama akhriyay saldhig ciidan oo xukuumadu tidhi:

yeelan lahayd saldhig ciidan.

2.Weli wax heshiis ah oo la kala saxeexday ma jiro.
ka maqlaayay masuuliyiin xukuumada ka tirsan 2daa qodob ayay ku biyo shubanayeen.

Taa waxa barbar socda sas la yaab leh oo xisbiga mucaaridka ah ee Wadani ka qaaday arrinkaa Saldhiga ciidan ee Berbera laga siin doono dawlada U.A.E,welina aan wax heshiis ah laga gaadhin.

Waxan maqlaayay xisbiga mucaaridka ah ee Wadani oo sida fiinta uga sasay oo bulshada si qaldan ugu soo bandhigaya,waxaan arkaayay dhawr caaqil oo sheeganayay magaca Garxajis ahna xubno ka tirsan golaha dhexe ee Wadani,waxa kale oo aan arkaayay xildhibaano ka tirsan G/wakiilada,isla markaana ka tirsan g/dhexe iyo G.fulinta ee xisbiga Wadani oo qaab aanan u bogin u cartamaya.

Hadaba muwaadin aynu eegno Xukuumada iyo Wadani dooda ay isu marinayaan media-Yaha dhinaca runta ku taagan:

1.Waxaynu go’aansanay Jamhuuriyada Somaliland inay tahay dall

Madax-banaan.

2.Waxaynu u codaynay dastuur aynu wadaagno,dalkana lagu

hogaamiyo iyo hadba dawlada aynu dooranaa inay ku dhaqanto.

3.Hogaaminta dalka waxaynu cod ugu igmanay kolba madaxweyne

iyo kuxigeenkiisa,waxaana hada kobtaa fadhiya madaxweyne

Axmed iyo kuxigeenkiisa Saylaci.

4.Waxa aynu ogolaanay oo G/wakiiladu ansixiyiin golaha wasiirada.

Markuu arrinku sidaa yahay xisbiga mucaaridka ah ee Wadani,hogaaminayo Gudoomiyaha golaha wakiilada,ahna masuulkii ogolaaday,ansaxiyay ee saxeexay madaxweynaha maanta Md.Axmed iyo kuxigeenkiisu Md.Saylaci inay dalka hogaamiyaan miyay tahay inay bulshada farriimo kicin kara ku soo dhex tuuraan.Jawaabtu waa maya.Miyay tahay farriintaasi inay isu bedesho tolaayeey? Waa maya.

Masuuliyiinta xisbiga Wadani ee cartamaysa waxaan u soo jeedinayaa walaalayaal ka daaya bulshada arrigtiyaha taban ee dhalin kara isku dhaca.Hadaad dalka iyo dadkaba u tudhaysaan aqoonyahan ayaa idinka dhex muuqda,garanaya Saldhigaa ciidan inaanu wax dhibaato ah dalka u lahayn,haw tusina shacabka in la rogmanayo hadii aynu U.A.E ka siino Berbera saldhig ciidan.

Bulshadana waxan ugu baaqayaa inay nabadgelyadooda xoogga saaraan,ayidaan hadba cidda ay u cugtaan hogaanka dalka oo maanta arrinkaa saldhiga ciidan aydaan u dhig taagin farriimaha anshaxa kala dambaynta hogaaminta dalka ka baxsan ee Waddani aloosayo.

Aqoon darradu waa indho la’aan,indho iska tuurkuna waa iimaan la’aan,waxa aan ka maqlaayay masuuliyiin ka tirsan Wadani oo shacabka dhegahooda ku shubaaya dall aan la aqoonsan lalama geli karo heshiis saldhig ciidan!!! Waan la yaabay,waxa aan isweydiiyay tolow nimankaasi ma ka dhabaa,miyay is-yeel yeelayaan,mise waa badheedh ay iskaga hor keenayaan shacabka iyo xukuumada ay doorteen!

Bulshooy,Waddani, waxa jira 9gaal dal oo aan la aqoonsanayn,kuna jiro Jamhuuriyada Somaliland, 4far ka mid ah ay ka jiraan saldhigyo ciidan oo dawlado la aqoonsanyahay la galeen. Waana kuwan hoos ku xareeqan:

1.Taiwan oo magaceeda rasmiga ahi yahay(Republic of China)

waxa ku yaala USA base.

2.North Cyprus (Waqooyiga Qubrus)-Turky base.

3.Republic of Abkhazia(Ka go’day Georgia)-Russian base.

4.Novorussia(Donetsk People’s Republic)-Russian base.

Ku darso oo dalka yare e Kosovo Iyana waxa ah Nato base.

Nimanka aqoonyahanka ah ee Wadani anigu odhan mayo dadka beenta ka daaya ee ka daaya shacabka farriimaha dhiilada sida,kicinaaya dadka qaar,xildhibaanada qaaqda hayana ha gartaan hawshooda,awoodooda,iyo xilka-ba halka ay ku gudan karaan inuu yahay Golaha ay ka tirsanyahiin ee wakiilada.Xildhibaan soo fadhiisata shaashadaha kelidii ama dhawr oo shacabka wax aanu aqoon u lahayn kala hadlaaya waxa aan u arkaa midhidhii geedkii Maacaleesh.

Dani waa seeto ayuu yidhi ALHN Ducaale Suldaan Guuleed,Saldhiga ciidan ee Berbera lala rabo waad ogtihiin reer Wadani dan inuu u yahay dalka,waxba haysku laba rogina dagaalka gacanka ka socda ayaa inna soo gaadhaya,walaalayaan ama cilmi ummada kula hadla ama caqli fayaw.Mucaaridnimadu maaha hanjabaad iyo qas-baa kursiga lagu fuulaa,nabad iyo diblumaasayad,xeelad iyo xasilaan ayaa lagu tartamaa.

Allaah ayaa Mahad leh

Xuseen Xasan Badmaax

Hargeysa/JSL

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here