Maxaad Ka Taqaanaa Taariikhda Raysal Wasaaraha Cusub Ee Dalka Soomaaliya??

0
58 views

Muqdisho(Sayruuq)-Raysal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ahaa nin sannadihii u dambeeyay si weyn ugu lug lahaa siyaasada dalka, waxaa la sheegaa inuu ka mid ahaa shaqsiyaadka aadka ugu dhowaa Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, sidoo kale waxaa uu ahaa La Taliyihiisa.

20172236362342860192863542017223636234113165290324C5VHsSjWMAArcGl

Ka sokow saameyntiisa dhinaca siyaasada ee sanadihii u dambeeyay, waxaa uu ahaa nin ka soo shaqeeyay howlaha Bani’aadanimada, waxaa uu Madax u ahaa Hey’adda qaxootiga qaabilsan ee laga leeyahay dalka Norway ee loo soo gaabiyo NRC.

Xasan Kheyre Ra’iisul Wasaaraha magacaabay waxaa uu dhashay sanadkii 1968, waxaa uu ka soo jeedaa degmada Ceelbuur, waa nin dhalinyar ah, isla markaana Ganacsade ahaa.

Waxaa uu heystaa dhalashada dalka Norway, sanadihii u dambeeyay waxaa uu ku noolaa dalka Ingiriiska, isagoo madax ka ahaa Hey’ada Soma Oil and Gas ee laga leeyahay dalka Ingiriiska.

Kooxda Monitoring Group ee Qaramada Midoobey u qaabilsan cunaqabateynta Hubka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa sanad ka hor ku eedeysay inuu xiriir la leeyahay kooxda Al-Shabaab, inkastoo markii dambe lagu waayay cadeymo muujinaya eedeyntaas,

Dadka aqoonta u leh waxay sheegaan inuu yahay nin dhalinyaro ah, fur furan, isla markaana aqoonyahan ah, xiriiro dano ganacsi la leh dalal badan, maadaama uu ahaa nin Ganacsade ah.

Sidoo kale waxaa la sheegaa inuu yahay nin xiriir dhow la leh Madaxda maamul goboleedyada dalka, sidoo kale dalalka deriska ayaa la sheegayaa inuu xiriir la leeyahay.

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa laga sugayaa inuu ansixiyo Ra’iisul Wsaaaraha cusub ee uu soo magacaabay Madaxweyne Farmaajo.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here