Maxaad ka taqaan Yusuf Waraabaha Herer?

0
281 views
Maxaad ka taqaan Yusuf Waraabaha Herer?

Maxaad ka taqaan Yusuf Waraabaha Herer?

Yuusuf Muume Saalax oo loo yaqaano Yuusuf Waraabe ama ninka waraabaha ah waxa uu saaxiib la yahay waraabaha waana nin ku nool degaanka Herer ee Itoobiya. Haddii dhaqanno badan waraabaha eryaan, islamarkaana Soomaalidu tidhaa waraabuhu ma rabaysmo ninkan wanaag baa ka dhexeeya waraabaha.

Maxaad ka taqaan Yusuf Waraabaha Herer?

Arrintan ayaa taariikh ahaan dib loogu celiya laba Qarni ka hor in macaluuli dhacday kadibna waraabuhu dadka weeraray isaga oo qaarkood cunay waxaana hoggaankii waraabaha la kulmay waligii Muslimiinta oo u sheegay in ay weerarka joojiyaan iyaguna ay wixii karaankooda ah quudin doonan waraabaha sidaasna lagu heshiiyay laakiin, caadadaasi ay dhammaatay markii abaaraha lagaga baxay.

Hase ahaatee Yuusuf ayaa 1960-kii bilaabay in uu Waraabaha hilib siiyo si uu ugu nabad galiyo xoolihiisa. Waxa uu xilligaasi arkay waraabaha oo dhashiisa quud u raadinaya fiid walba ku dul warwareegaya xoolihiisa si aan baqasho lahayn. Habeen ayuu hilib ugu tuuray meel aan ka fogayn wuxuuna eegay bal sida waraabuhu yeelo, waraabihii ayaa si degdeg ah ula booday kadibna la cararay hilibkii waxaanu soo noqday habeenkii xigay ilaa ay sidaasi caado saaxiibtinimo ku noqotay oo dhex martay labada dhinac.

Maxaad ka taqaan Yusuf Waraabaha Herer?

Hadda dadka degaankaasi waxay u haystaan in Yuusuf afyaqaano waraabaha waxaanay la qabsadeen la saaxiibidda waraabaha iyaga oo aan mararka qaar uga cabsan xoolahooda maaddaama meesha ay ka baxday isfaham la’aanta waraabaha iyo bulshada ammaana la kala helay waxaanu Yuusuf dhaqankan baray wiilkiisa oo hadda isna quudiya waraabaha oo dalxiiseyaal badan soo jiitay.

Maxaad ka taqaan Yusuf Waraabaha Herer?

Warbixintan oo waxa 2016 lagu daabacay africageographic.com waxaanay Sayruuqnews ka soo qaadatay bogga wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya oo dib loogu faafiyay waxaanad  kaga bogan karta halkan Warbixinta Waraabaha

Maxaad ka taqaan Yusuf Waraabaha Herer?Maxaad ka taqaan Yusuf Waraabaha Herer?Maxaad ka taqaan Yusuf Waraabaha Herer?

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.