Maxaad Ka Taqaan Jeel Ogaadeen Iyo Ciqaabta Daran Ee Ka Dhici Jirtay?

Jeel Ogaadeen Madaxweynihii Dhismihiisa Amray iyo Ganacsadihii Qandaraaska Qaatay Labadaba Waxa Lagu Xidhay Jeelkii Ay Dhiseen

0
276 views
Maxaad Ka Taqaan Jeel Ogaadeen Iyo Ciqaabta Daran Ee Ka Dhici Jirtay?

Maxaad Ka Taqaan Jeel Ogaadeen Iyo Ciqaabta Daran Ee Ka Dhici Jirtay?
Jigjiga(Sayruuq) Xabsiga Dhexe ee dawlad degaanka Soomaalida oo ku yaalla badhtamaha Jigjiga waxa shalay bookhday madaxweynaha cusub Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) waxaana loo xidhay si rasmi ah iyada oo laga dhigayo madxaf dhinaca dhaqanka ah. Xabsigan loo yaqaanay Jeel Ogaadeen waa mid si weyn loogu ciqaabay dadkii lagu xidhay sida ay sheegeen hay’ado caalami ah iyo dadkii lagu xidhay. Xabsigan waxa ku xidhan dad laakiin, kuma jirto cid siyaasad u xidhan xilligan.
Madaxweynaha cusub ee shalay soo kormeeray qaybihii uu ka koobna xabsigan waxa warbixin ka siiyay dad ka mid ah kuwii lagu xidhay. Iyaga oo jooga meelihii lagu ciqaabi jiray waxay sheegeen in marka la dhibaataynayo ay la jooji jireen hoggaanka ciidamada iyo masuuliyiin sare oo meesha ku qayili jiray, islamarkaana qaylada maxaabiista khadka telefoonka lagu maqashiin jiray Cabdi Maxamuud Cumar madaxweynihii degaanka oo hadda Addis Ababa ku xidhan. Waxay madaxweynaha cusub hortiisa ka codsadeen in caddaaladda loo horkeeno masuuliyiintii wakhtigaas oo ay magacyadooda taxeen iyaga oo si qiiro leh u xasuusanaya wixii ay u gaysan jireen.
Haddaba halkan kaga bogo warbixin BBCSomali ka diyaarisay qaabka jeelka iyo ciqaabaha ka dhici jiray oo wargeyska Waaberi Soo Koobay

Maxaad ka taqaan “Jeel Ogaadeen”?

1996 ayaa la aasaasay xabsiga dhexe ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, laakiinse ay dadku u yaqaanaan “Jeel Ogaadeen”. Xilligaas waxaa madaxweynaha killilka ahaa Khadar Macallin Cali. Waxaa dhismaha xabsiga qandaraas lagu siiyey Ibraahim xaad oo ka mid ahaa ganacsatadii xilligaas ugu dhaqaalaha roonaa.

Waxaa magaalada Jigjiga laga fogeeyey xilligaa 5-6 KM, dhinaca qorrax ka soo bax ee togga Faafan, laakiinse hadda magaalada ayaa fidday oo dhaaftay, waxaana la odhan karaa wuxuu ku yaallaa badhtamaha magaalada.
Labada nin – ee ninna uu qandaraaska dhismaha xabsiga bixiyey, ninna uu dhismihiisa qandaraaska ku qaatay – labadaba Jeel Ogaadeen ayaa markii dambe lagu xidhay.

Qiyaastii ilaa 50 askari ayaa habeenkii waardiyeysa. Laba meelood oo kala durugsan ayaa laga kala waardiyeeyaa. Gaadh hayaha hore, qiyaas hal KM ah ayuu u jiraa. Wuxuu leeyahay hal albaab oo weyn oo u sii jeeda dhanka waqooyi.
Qaybaha xabsiga

Wuxuu u qaybsamaa saddex qaybood oo ragga loogu tala galay, iyo saddex qaybood oo dumarka loogu tala galay.
Qaybta ugu hoosaysa waxaa lagu xidhaa dadka laga soo qabto jabhadda ONLF, waana meesha ugu xun.
Qaybta dhexe waa qaybta lagu xidho dadka “rajada leh”, ee la aaminsan yahay in mar uun ay soo bixi doonaan.
Qaybta saddexaadna waxa lagu xidhaa siyaasiyiinta, ganacsatada, xubnaha maamulka ka soo shaqeeyey iyo duqeyda. Waxaa ku yaalla meel yar oo masaajid ah oo lagu tukado.

Dadka ka soo baxay xabsigaas waxay sheegeen in halkii qol lagu xareeyo ilaa 800 oo qof. Xataa dhulka, hal taako oo ka banaan lama helo. Qaybaha dumarka iyaguna waa la mid. Kiisaska qaar, xataa waxaa la sheegay in dumarka carruurtooda lala xidhi jiray.

Toddobadii sano ee la soo dhaafay, ma jirin maxbuus ay eheladiisu soo booqdeen. Horraantii todobaadkii aan soo dhaafnay ayaa markii ugu horraysay loo fasaxay tiro cayiman oo dad ah inay soo booqdaan dadkooda halkaa ku xidhan.
Sheekooyinka naxdinta leh
2013 maxaabiistii xilligaas xabsiga ku xidhnayd waxay sheegeen in maamulka Bakoorado looga soo iibin jiray “Fooqdheere” oo isla Jigjiga gudaheeda ah, ka dibna uu maxaabiista ku amri jiray inay is garaacaan, haddii ay diidaanna uu ku dalban jiray rag u diyaarsanaa inay garaacistaas fuliyaan.
Xilligaas waxaa loo yaqaannaa, sida ay maxaabiistii waagaas xabsiga ku xidhnayd noo sheegeen “xilligii geerida iyo garaaca”.
Xilliyadii sannadahaa ka dambeeyey ee aadka loo ugaadhsan jiray ONLF ayey maxaabiistu sheegeen in maamulka xabsiga uu soo rogay in cunnada iyo biyaha laga jaro maxaabiista, waxaana 24kii saac la siin jiray cunno hal mar oo qudha, taas oo ahayd canjeerada loo yaqaanno Daafida oo la mariyey “Widdi”.
Inta la xaqiijiyey, 18 ruux ayaa markii la soo daayey ee ay biyo afka saareen, ama naf baxay ama cisbitaal loola cararay.
Sheekooyinka naxdinta leh ee maxaabiistu ka sheekeeyeen waxaa ka mid ah „Gidhibka”. Waa meel biyo xidheen ah oo ku taalla duleedka magaalada, waxaana la dhisay xilligii uu dalka maamulayey Mingiste. Ujeeddada loo dhisay biyo xidheenkaas waa arrimo la xidhiidha tabcashada beeraha.
Bisha ugu qabow sannadka ayaa dadka inta la ururiyo halkaa lagu guri jiray. Dadkii halkaa la geeyey waxay u badnaayeen dad looga shakisanaa inay xubno ka yihiin al Shabaab. Hase yeeshee dad kalena waa ku jireen.

Jidh-dilka?
Xabsiga Jeel Ogaadeen waxaa ku yaalla 8 qol, oo afarna ragga loogu tala galay, afarna dumarka.
Ma jirto cid nooga warrantay waxa lagu muto gudaha qolalkaas. Dadkii lagu xidhay markii aan arrimahaas weydiinnay way naga aamuseen, qaarna wayba ka naxeen markii ay soo xusuusteen. Qolalkaas waxaa lagu sheegay in midkiiba uu si cidhiidhi ah u qaado hal qof.

Qofka kaliya ee naga ogolaaday in aan magaciisa sheegno waa Suldaan Fowsi Suldaan Maxamed Cali oo xabsiga ku xidhnaa muddo dheer. Wuxuu noo sheegay in shantii sano ee ugu dambeysay muddadii uu xidhnaa, lagu hayey kaligii qol cidhiidhi ah oo uu ku qiyaasay laba mitir. Wuxuu kaloo sheegay in muddo bil ah maalin kasta bakoorado ay ku garaaci jireen “laba nin ilaa ay ka daalaan”.

Wuxuu intaa ku daray in loo diiday inuu qaato dawooyinka xanuunnada dhiig karka iyo macaanka, taasna ay keentay in araggiisa ay wax u dhinto “Ilaa maanta way igu soo kacdaa jugtii berigaa igu dhacday” ayuu yidhi Suldaan Fowsi.
Waxaa kale oo jiray nin sidii bakoorad loogu garaacayey dhiig sii daayey, laakiinse hadda nool oo aan magaciisa qarinay. Dhanka kufsiga dumarka ayaa la sheegay in uu joogto ka dhex ahaa xabsiga.

Maxaa loogu bixiyey Magaca “Jeel Ogaadeen”?
Xabsigaas waxaa la yidhaahdaa “xabsiga dhexe ee dawlad deegaanka Soomaalida”, hase yeeshee sababta jeel Ogaadeen loogu bixiyey ayaa ah maaddaama dadka ku xidhnaa 60% ay ahaayeen dad ka soo jeeda deegaanka Nogob. Waxay u badnaayeen taageerayaasha ONLF.
Waxaa kale oo aad loo soo xidhi jiray sanooyinkii u dambeeyey macallimiinta dugsiyada quraanka iyo culimada, kuwaas oo lagu tuhmo inay Al Shabaab ka tirsan yihiin.
Magaca waxaa bixiyey dadka aan beeshan u dhalan oo la yaabay tirada aadka u badan ee reerka magacaas leh ee madaxweynuhu ka soo jeedo kaga xidhan xabsigaas.

Imisuu qaadaa?
Madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar, wuxuu munaasabadii Ciiddul fitriga sheegay in 22000 oo ruux ay saddex sano ka hor ku xidhnaayeen xabsigaas. Wuxuu intaa ku daray in 1500 ay iminka ka soo hadheen.
Inkastoo aanu dhisme ahaan ka weynayn 100 mitir oo dhan kasta ah, haddana dadkii ka soo baxay waxay aaminsan yihiin in tirada maxaabiista halkaa ku jirtay ay u dhaxaysay 33,000 – 35,000 oo qof. Waxaa jira dad ku dhex dhintay xabsiga sababo la xidhiidha daryeel la’aan.

Todobaadyadii u dambeeyey, sida laga soo xigtay maamulka, waxaa aad loo hadal hayey in laga dhigayo masaajido sidoo kalena waxa qorshaha ka mid ah in laga dhigo madax dhaqan, laakiinse weli dad aan tiradooda la ogayn ayaa ku xidhan.

Haddiise masaajid laga dhigo, halkaa miyuu ku hadhi doonaa magacii u baxay xabsigaas?

Source: Waaberi/BBCSomali
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.