“Maxaabiistu Waa Shaqaale Bilaash ah,”Magufuli

0
328 views
“Maxaabiistu Waa Shaqaale Bilaash ah,” Magufuli

“Maxaabiistu Waa Shaqaale Bilaash ah,” Magufuli

Madaxweynaha Tanzania ayaa ku baaqay in maxaabista dalkaasi lagu shaqeeyo sacaado dheer haddii ay wax qaban waayaan la ciqaabo.

Madaxweyne John Magufuli ayaa hadalkani sheegay xilli uu ka qayb galayay munaasabad lagu caleemo saarayay madaxda xabsiyada dalkaasi.

Wuxuu sheegay in maxaabista ay cunnada ku abuurtaan dhulka ku yaalla xabsiyada.

” waxaa ceeb ah in dalka uu sii wado quudinta maxaabista, dhammaan maxaabista waxay haystaan dhul baaxad leh oo ay beero cunnadu ka soo go’do ku beeran karaan,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynuhu.

“Qaar ka mid ah shaqaalaha xabsiyadu guryo ma leh. Waa in aad ka shaqaysiisaan maxaabiista, u suurto galiya in ay habeen iyo maalinba jaajuurka/ bulukeeti sameeyaan oo garaaca haddii ay caajisnimo la yimaaddan, waxaad haysataan shaqaale bilaash ah,” Sidaas ayuu faray madaxda maxaabiista.

Madaxweyanaha ayaa sidoo kale ku baaqay in xaasaska aysan booqanin raggooda ku jira xabsiyda.

Magufuli wuxuu ka dhawaajiyay in camal la’aanta hayso maxaabiista ay u horseeday inay isticmaalaan daroogada iyo inay ku dhaqaqaan falal anshax xumo ah.

Ururrada u dodo xuquuqda rayidka ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Tanzania inuu samaynayo caddaalad darro.

Magufuli ayaa shacbiyda badan lumiyay tan iyo intii xilka qabtay kaddib markii bartilmaameedsaday warbaahinta iyo xubnaha mucaaradka dalkaasi.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.