“Maxaabiistu Mobile Bay Muuqaalka Iskaga Duubeen,” Taliska Asluubta

0
1,537 views
“Maxaabiistu Mobile Bay Muuqaalka Iskaga Duubeen,” Taliska Asluubta

“Maxaabiistu Mobile Bay Muuqaalka Iskaga Duubeen,” Taliska Asluubta

Hargeysa(Sayruuq) Taliye ku xigeenka   Ciidanka Asluubta Somaliland Sareeye Guuto Xasan Cali Cawad  (Xasan Cali Dheere), ayaa sheegay in ay la yaaban yihiin macluumaad ay gudbiyeen maxaabiis ku xidhan jeelka weyn ee Hargeysa, kuwaas oo telefishanka Goobjoog oo fadhigiisu yahay Muqdisho ka baahiyay muuqaal ay xabsiga iskaga duubeen.

Taliye xigeenka oo u warramayay wakaaladda wararka Somaliland waxa uu sheegay in maxaabiistan oo ah kuwo caalamiya oo sanadkii 2009 lagu xukumay jasiiradda Seychelles markii lagu helay falal budhcad badeednimo ay codsadeen in Hargeysa loo soo wareejiyo, islamarkaana si gaar ah loo xannaanayn jiray.

Taliye xigeenku wuxuu sheegay in muuqaalkan lagu duubay telefoon xabsiga lala galay oo uu sheegay in ay markii dambe ka qaadeen “Waanu la yaabnay warkaas, saddex maxbuus oo jeelkan ku jira oo ka mid ah maxaabiistii lagu maxkamadeeyey  jasiiradda Seychelles oo waliba iyagu codsaday in xabsiga Hargeysa la keeno, ayaa warkaas si kastaba ha u duubeenne duubay waxay   ku duubeen Mobile  galay xabsiga oo aanu imika hayno oo aanu markii dambe ka qaadnay,”ayuu yidhi Taliye ku xigeenka ciidanka Asluubtu.

Waxa kaloo uu tilmaamay in maxaabiistani yihiin kuwo caalami ah isla markaana aanay jirin sabab  loo jidh dilaa, waxaanu yidhi; “Maxaabiistani  way xukunaayeen waxaanay ahaayeen  maxaabiis caalamiya, sabab xabsigan loogu jidh-dilaa ma jirto, waliba xannaano gaar ah ayaanu xanaaneyn jirnay jaaliyadda iyo odayaasha Soomaaliya ee Hargeysa jooga waanu ka wada soconay wixii xabsigu ka dhammaado si wada jir ah ayaanu iskaga xil-qaamaynay oo u dhoofinaynay.”

Taliye Ku-xigeenka Asluubta oo la weydiiyay waxa jira in mid ka mid ah maxaabiistani uu ku dhintay jeelka Hargeysa waxa uu yidhi; “Warkaasi ma jiro jeelka Hargeysa ma aha xabsiyadii hore ee dawladdii Siyaad Barre ee dalka lagu ciqaabi jiray. Waa xabsi ururrada xuquuqul aadanaha  u furan, waa xabsi ay looyarradu galaan. Waa xabsi ay bahda caddaaladda oo dhami ay gasho maxaabiis xukuman sabab loo jidh-dilaana ma jirto.”

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.