Maxaa Xilligan Keenay Gar Naqsiga Boqor Buurmadow Iyo Suldaan Xasan?

0
805 views
Maxaa Xilligan Keenay Gar Naqsiga Boqor Buurmadow Iyo Suldaan Xasan?
Suldaannada Guud ee Subeer Awal Iyo Habar Jeclo

Maxaa Xilligan Keenay Gar Naqsiga Boqor Buurmadow Iyo Suldaan Xasan?

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo ka mid ah hoggaanka dhaqanka beelaha Habar Jeclo iyo suldaanka guud ee beelaha Subeer Awdal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi ayaa madal dhaqan shalay isku dhaafsaday weedho ku saabsan isbahaysiga siyaasadeed ee labada beelood.

Boqor Buurmadow waxa uu hore u raalli geliyay beelaha awoodda ku leh Waddani(Garxajis) waxaanu sheegay in beesha madaxweyne Muuse ay codka ku siiyeen in dhaqaale laga helo laakiin, ay kiishada furi waayeen. Hadalkaasi oo loo qaatay in uu nidaamka madaxweyne Biixi saluugsan yahay.

Hase ahaatee hadalkiisan shalay oo ku soo beegmay xilli la hadal hayo waxa uu noqon doono qorshaha Maxamuud Xaashi wasiirkii hore ee madaxtooyada oo dalka ku soo laabtay ayaa durba beegsaday in lagu wareejiyo beesha Habarjeclo kursiga guddoomiyaha.

Boqor Buurmadow oo la hadlaya Suldaan Xasan wuxuu sheegay in beelaha Habar Jeclo iyo Subeer Awal qaateen badi kuraasta dawladda Biixi sidoo kalena beesha Madaxweynuhu sii badsatay marka loo eego beesha Habar Jeclo iyo sidii ay wax u qaybsan jireen “Jagooyinkii aynu qaybsan jirnay xoghayaha iyo madaxweynaha waynu kala lahaan jirnay, xoghayihiina xaggiinu soo maray,” Sidaas ayuu yidhi Boqor Buurmadow oo u jeeda in madaxweyne Biixi xoghayaha ka dhigtay beeshiisa halka xoghayihii Siilaanyo ka soo jeeday beesha Habarjeclo.

“Waynu is ogayn, dawladdii dhalatay waynu badsanay, madaxweynaha haddaynu helay waxay ahayd in aynu imaansano inagu oo wixii cadhaysna bahasha aynu u qaybino haddii se laga tagi waayay dawladnimadu Qarankay ka dhexaysaaye inagu xisbigaynu ku shuraakownaye dee haddii aanay ahayn rahii daynta qaatay ee yidhi ‘wixii miyir qababa la hadla’ markii roobku da’ay dee reerku xisbigii waa idinka sugaya,” Sidaas ayuu yidhi Boqor Buurmadow.

Suldaan Xasan oo u holladay jawaabta Boqor Buurmadow wuxuu u muuqday mid aan jawaabteeda degdeg u bixin Karin, islamarkaana ka habranaya weedho hore uga soo duulay oo la dhibsaday waxaanu sheegay in ay dib u eegayaan arrimaha Boqor Buurmadow badka soo dhigay waxaanu ku tilmaamay in aanu waxba reebin “Boqor Cismaan dee waxbaba kama tagin oo wixii uu sheegay halkaas ayay iigu qoran tahay,” Sidaas ayuu yidhi Suldaan Xasan oo hadalka Buurmadow ku tilmaamay duur xul iyo hogo tusaale ah mid meesha yaalla.

 

Marka la odorosayo siyaasadda Somaliland hadallada madaxda dhaqanku waa kuwo rasmi loo qaadan karo maaddaama siyaasadda iyo hannaanka reeruhu yihiin kuwo isku qasan mararka qaarna ay farriimaha siyaasiyiinta sidaan madaxda dhaqanku. Dadka siyaasadda taxliiliya ayaa u arka hadalka Boqor Buurmadow mid uu soo dedejiyay imaanshiyaha Maxamuud Xaashi oo damac badan ka leh kursiga guddoomiyaha kana qaday xukumadda Muuse.

Siyaasiyiinta isku beesha ah ee Maxamed Kaahin iyo Xasan Gaafaadhi oo hoggaanka Kulmiye ka tirsana ayaa la filayay in ay kula loolamaan Maxamuud Xaashi kursiga guddoomiyaha laakiin, waxay u muuqata in labadooda oo wasiirro ka ah xukumadda Muuse aanay hayn meel ay kursiga u maraan halka aanu Maxamuud Xaashi wax galaan gal ah u lahayn awoodda xisbiga ee hoggaankiisii xukumadda Muuse galay.

Arrimahaasi ayaa keeni kara in Maxamuud Xaashi hannaan beelaysan ku doono kursiga, taas oo abuuri karta khilaaf ka dhex dhaca beelaha ku bahaysan Kulmiye ama beesha kursiga damacsan lafteeda.

Sayruuqnews/Faallo

Sayruuqnews@gmail.com

Hargeysa-Somaliland

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here