Maxaa kala haysta Madaxwaynaha Cusub iyo Wasiiradiisa?

0
50 views

Nin Wasiir ah oo Xukuumadda cusub ka tirsan,ayaa beeshiisu ka dalbatay inuu kasoo qeybgalo Casuumad ay kusoo dhaweynayaan,maadama uu yahay masuulka ay Beeshu saammi ahaan Xukuumadda uga heshay. Ninkii Wasiirka ahaa waxa uu maanka ku hayaa inay dhawaan uun ahayd markii Xubnaha Gollaha Wasiiradda lagu amray in aanay kasoo muuqan Karin Shirar-beeleedyada iyo Casuumadahoodba,codsiga beeshana inuu diido wey la’noqon weyday.
Ninkii Wasiirka ahaa waxa uu soo xulay Saxafiyiin Deegaankiisa ah oo dhaq-dhaqooda iyo waxay duubaan uu u arkayay in faaf-reeb sugan uu ku samayn karo,dadkii casuumadda gadh-wadeenka ka ahaana waxa uu ku war-galiyay in aanay wax Saxaafad ah u yeedhin,ciddina aanay waxba duubin,maadama uu kullankani ka hor-imanayo qodobaddii dhawaan la faray.
Hawraarsan iyo guddoon ayaa laysla qaatay,sidii baana goobtii casuumadda loo asteeyay lagu gaadhay.
Waxa si lamo fillaan ah Munaasibaddii ugu soo beegmay dhawr Suxufi kuwaas oo la socday Koox Dhakaatiir ah oo deegaanka hawlo caafimaad ka fullinaysay. Wasiirka ayaa sheedda ka arkay Saxafiyiinta kale ee aan ahayn kuwii uu doonayay inay madasha joogaan,waxaana uu si deg deg ah go’aan ugu gaadhay in uu guud ahaanba Munaasibada ka baajiyo,dadka hawsha wadana uu u sheeko in aannu intaas waxii ka danbeeya aannu la’sii joogi Karin,Casuumadda ay sammeeyeena ay iyaga iska cunaan,balse ay kullan danbe isaga iyo dadka deegaanku iskugu iman doonaan,waxaana uu si deg deg ah usoo gaadhay Magaaladda Hargaysa,isaga oo hore ka bilaamay shaqaddii uu dadweynaha u hayay.

Xigasho: Suxufi Badri Koosar

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.