Maxaa ka jira in Wasiirro Badan Oo Xukuumadda Ka tirsan laga Maroorsaday Xilkii Hadalheynta Wasiirkii Difaaca iyo Wasiiro kale(faallo)

0
29 views

Madaxweyne Siilaanyo, waxa maalin ba maalinta ka dambaysa isa soo tareysa in aaney Wasiirrada ka tirsan Golaha Xukuumaddu u madax bannaaneyn sida ay u kala leeyihiin waajibaadka Wasaaradaha ay xilalkooda ku magacaaban yihiin, arrintaas oo fashilaadeedu si weyn usoo shaac baxdey intii Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi la wareegay Wasaarada Madaxtooyada oo Wasiirro badani bannaanka iska taageen xilalka Wasaaradaha ay masuulka ka yihiin kuwaas oo dhawaan la arkey in uu si toos ah u waajahey qaar kamid ah shaqadoodii sida Wasiirkii Wasaaradda Biyaha, kadib markii ay is qabteen Wasiirkii hore ee Biyaha Baashe Cali Jaamac oo dad badani xil ka qaadistiisii isaga loo tirinayay.
Hadda ba tan iyo intii ay soo baxday hadalhaynta arrintan Saldhigga Millatari ee Dawladda Imaaraadka laga siinayo Magaalada Berbera, waxa ay Bulshada Somaliland intooda badani si weyn isu weyddiiyeen, Wasiirkii ruug caddaaga ahaa ee Wasaaradda Gaashaandhigga Axmed Xaaji Cali Cadami oo aan meelna kaga jirin heshiiskaas iyo hadalhayntiisa ba,maaddaama ay isku koobeen uun dhiraandhirtiisa Wasiirka Madaxtooyada iyo Safiirka Imaaraadka u qaabilsan Xukuumaddu halka Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire uu badheedhihiisa ka dhiibtey, haseyeeshee Wasiir Cadami aan haba yaraatee marna laga maqlin Saldhig iyo heshiis toonna, isla markaana laga qayb galinnin barnnamijka kaliya Saldhigaas, maraaxilkiisa, heshiiskiisa iyo Arimaha khuseeya midna ba.
Arrintan oo daah furaysa in ay wakhti xaadirkan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku jirto marxalad kala guur ah, sidoo kalena ay rumaynayso in Waiirro badan oo hawshani khusaysay iyo kuwo aanay khusayn ba loola dhaqmay sidii qaab magic u yaaleed oo kale, taladii iyo awoodihii ay sharciga u lahaayeenna la afduubay.

Sikasta oo ay tahay waxa aan marnaba qarsoonayn in nidaamkii iyo haykalkii dawladnnimo si toos ah uga leexday majarihii saxda ahaa ee Waajibaadka Qaranku u socon lahaayeen, taas oo ay dibadda u soo saartay in ay dalka ka jirto talo maroorsi, afduub iyo marin habaabin xooggan oo dhinac ka raran, sidoo kalana ay jiraan Wasiirro uu kow ka yahay Maxamuud Xaashi oo isa saar ka dhigtay taladii Wasaaradaha, iyaga ku raba in ay ku dul maamulaan kana faro maroojiyaan masuuliyaddii ay lahaayeen Wasiirradii loo igmaday ee Digreetada Madaxweynuhu kusoo baxdey falalkan oo ugub ku ah gebi ahaan ba Maamulladii soo maray Somaliland, si cadna uga tilmaan bixinaysa in talada Qaranku isugu biyo shubatay nidaam Boqortooyo oo dimuqraaddiyad la huwiyey oo ku kooban Qoys kali ah.

Gebagebadii Shabakadda Wararka ee hadhwanaagnews waxa ay idiin soo gudbin doontaa dhowaan guud ahaan ba Wasiirada lagu dul inqilaabay ama lagu haysto Wasaaradihii loo magacaabay ee magac u yaalka xilligan u jooga Wasaaradaha ay joogaan, kuwaas oo anu hada idiin soo gudbinay laba Wasiir balse xogaha laga hayaa aanay yareyn laakiin aanu si dhab ah oo xaqiiqda ku qotonta Wasiirada ay yihiin tiradooda iyo Wasaaradahoogaba idiinku soo gudbin doono.

 

Sakariye Axmed Saxardiid(Awaare)

Hadhwanaagnews Email:Sakariye87@gmail.com

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here