Maxaa Aamusiiyay Hoggaamiye Xirsi?

0
1,706 views
Hoggaamiye Xirsi Oo Dhalliilay Madaxweyne Biixi

Maxaa Aamusiiyay Hoggaamiye Xirsi?

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa waxii ka dambeeyay doorashadii madaxtinimada oo uu laba goor ka hadlay mooyaane aan mar u qudha ka hadal siyaasadda Somaliland ee hadba dhan u jiifsanaysa.

Hadaba sababaha ugu badan ee loo aanaynayno in uu u aamusay ayaa ah in uu iska illaalinaya in uu ku dhex milmo duufaanaya iyo isbadal siyaasadeed ee guud ahaan ka socda Somaliland, halka uu si gaara ugu foojigan yahay ta xisbiga uu Hogaamiyaha ka yahay oo dhawaan xilkii ka xayuubiyay Hoghayahii hore ee xisbigaasi Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo lagu eedeeyay Xil-gudasho la,aan.

Dhinaca kale Mudane Xirsi ayaa ku sugan Waddanka Masar waxaana uu qorayaa ama uu dhamaystirayaa Buug qabyo ka ahaa oo uu ku howlan yahay halka geesta kale uu koorasyo waxbarasho uu barbar waddo.

Lama garanayo wakhtigan aragti ahaan sidda uu u arka dareenada siyaasadeed ee ka dhex oogan xisbigiisa balse dadka indha-indheeya siyaasadda ayaa aaminsan in Masuulkani uu illaashanayo shaadhka Cad ee siyaasadda taasina ay tahay ta keentay in uu ka aamusno arrimo badan oo waddanka ka jira.

Hogaamiye Xirsi ayaa inta badan waxaa u si hoose u dhameeyaa waxii soo kala dhex gala xisbigiisa isagoo waddo Odaynimo arrimo kasta u maraya

Source: Hangoolnews

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here