Masuuliyiinta Wargeyska Waaberi Oo Bahda Garsoorka Uga Mahadceliyay Xayiraadda Laga Qaaday

0
159 views
Masuuliyiinta Wargeyska Waaberi Oo Bahda Garsoorka Uga Mahadceliyay Xayiraadda Laga Qaaday

Masuuliyiinta Wargeyska Waaberi Oo Bahda Garsoorka Uga Mahadceliyay Xayiraadda Laga Qaaday

Hargeysa (Sayruuq) Masuuliyiinta Wargeyska Madax-banaan ee Waaberi, ayaa ka dareen-celiyey xayiraadii laga qaaday wargeyska Waaberi, kaasi oo muddo 30 cisho  xayirmaa, balse ay Maxakamadda Rafcaanka gobolka Maroodijeex ay xayiraadaasi ka qaaday 21 bishan julay .

Guddoomiyaha Wargeyska Waaberi Khadar Cabdi Xasan iyo Tafatiraha Wargeyska Mawliid Cali Dhure oo war-baahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay heleen cadaalad, iyagoo u mahadnaqay Guddoomiyaha Maxakamadda Sarre ee Somaliland iyo Guddoomiyaha Maxakamadda Rafcaanka Gobolka Maroodijeex iyo guud ahaanba bahda garsoorka Somaliland .

Tafatiraha Wargeyska Waaberi Mawlid Cali Dhurre oo ugu horayn ka hadlay arrintaasi ayaa hadalkiisa u dhignaa sidan ”Maxakamadda Rafcaanku muddo ayey dersaysay sharciyadda Wargeyska oo ay eegaysay, kadinba waxay soo saartay ugu dambayn wargeyska in eedaha lagu haystaa ay yihiin waxaan waxba ka jirin oo sharciyadiisa iyo mulkiyadiisu ay yihiin kuwo sax ah sidaas-na wargeyska ayey xayiraadii kaga qaaday, hadda si caadi ah ayuu wargeysku shaqadisii u bilaabay oo durba wuu soo baxay , arrintaasi waxay ahayd mid cadaalad ah oo aanu ku diirsanay oo qarankana sumcadiisa iyo dhinaca xorriyatul qawlka wanaag badan kusoo kordhinaysa oo aanu u aragno in cadaalad lagu diirsaday ay halkaasi ka dhacday.” Ayuu yidhin Mawliid Cali .

Geesta kale Waxa isna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Wargeyska Waaberi Khadar Cabdi Xasan, isagoo u mahadnaqay bahda Garsoorka, ta war-baahinta Somaliland, ururka SOLJA Iyo dhammanba cid kasta oo ka qayb-qaadatay sidii xayiraada looga qaadi lahaa Wargeyska Waaberi “ Xayiraadaa Wargeyska laga qaaday waxaanu runtii aanu si gaar ah uga mahadcelinaynaa dhammaan-ba cid kasta oo ka qayb-qaadatay in wargeyskaa xayiraada laga qaado oo uu dib u bilaabo howlihiisa shaqo, bahda garsoorka oo aanu wixii aanu kafilaynay aanu ka helnay oo ahayd cadaalad iyagana aad ayaan ugu mahad-celinayaan, gaar ahaan waxaanu u mahad-celinaynaa Guddoomiyaha Maxakamadda Sarre Aadan Xaaji Cali iyo weliba sida oo kale Guddoomiyaha Maxakamadda Rafcaanka ee Gobolka Maroodijeex oo aanu u arragnay talaabada ay qaadeen mid cadaaladeed oo runtii annagana naga farxisay dhammaan ummada reer Somaliland oo dhana ka farxisay,madaama ay wax-yaabihii ay xeer ilaalintu nagu soo eedaysay ay ahayeen wax waxba kama jiraan ah, waxaan sida oo kale mahad-celinaynaa ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo guud ahaanba bahda saxafiyiinta oo iyaguna si mug leh oo muuqata uga qayb-qaatay soo daynta wargeyskaasi, SOLJA  Gudoomiyaheega Mr Xuuto waxaan isaga si gaar uh uga mahadcelinaynaa dedaalkii dheeraa ee uu ugalay sidii wargeyska loo soo dayn lahaa waanu ku mahadsanyahay..”…

Waxaanu intaasi ku daray Guddoomiyahay Wargeyska Waaberi “ Wargeyska Waaberi waa wargeys runtii ku adeegi doona shuruucda dalka u taala oo wax ka baxsan oo deel-qaaf ah aan marnaba soo gudbin dooni, sidaas awgeed-baan mar kasta ku cel-celinaynaa oo aanu leenahay wargeyska waaberi yaanay cidina dhibsani, ma noqon doono wargeys cid gaar ah u adeega, lakiin wuxu noqon doona runtii Wargeys u adeega Qaranka Somaliland sidoo kalene difaaca qaranka Somaliland iyo wada jirka ummada Somaliland..”

“Wargeyska Waaberi Wuu Haysta Ruqsad Sharci Ah,” Xuuto

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.