Masuuliyiinta Itoobiya Oo Laga Mamnuucay Baabuurta Qaaliga Ah Ee V 8

0
606 views
Masuuliyiinta Itoobiya Oo Laga Mamnuucay Baabuurta Qaaliga Ah Ee V 8

Masuuliyiinta Itoobiya Oo Laga Mamnuucay Baabuurta Qaaliga Ah Ee V 8
Addis Ababa(Sayruuq) Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa todobaadka dambe soo saaraysa wareegto mamnuucaysa in madaxda dawladdu magaalooyinka ku dhex kaxaystaan baabuurka loo yaqaano V 8 ee qaaliga ah. Lama sheegin sababta loo joojinayo laakiin, waxa la ogol yahay oo kaliya in madaxdu baabuurtan kaxaystaan marka ay u baxayaan taraagyada ka baxsan magaalada.
Sida uu sheegay madaxa xidhiidhka dadweynaha ee wasaaradda maaliyadda iyo iskaashiga dhaqaalaha Itoobiya Xaaji Ibsa waxay wareegtadani baabuurta V8 ka mamnuucaysa wasiirrada, shirguddoonka baarlamaanka, madaxda iyo kuxigeennada maxkamaddaha, Komishanneerada iyo kuxgeennadooda. Baabuurta V8 iyo Prado 4 cylinder cars ayaa laga reebay madaxdani in ay ku dhex wataan magaalooyinka waxaana loo ogol yahay baabuur lagu farsameeyay gudaha Itoobiya oo lagu sheegay DFMS-50 automobiles.
Wargeyska Addis Standard oo ka soo baxay Itoobiya waxa uu sheegay in inta ugu badan madaxdu ugu jecel yihiin wadashada baabuurtan laga mamnuucay iyada oo qaarkood ilaa laba gaadhi oo noocaas ah leeyihiin kuwaas oo ay lambar shacab u sameysteen.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.