Masuul Xukumadda Ka Tirsan Oo La Dhaawacay

0
276 views
Masuul Xukumadda Ka Tirsan Oo La Dhaawacay

Masuul Xukumadda Ka Tirsan Oo La Dhaawacay
Askari ka tirsan ciidamada somaliland ayaa dhaawac u gaystay Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka somaliland Maxamed Cabdi Xergeeye.

Wararka la helaayo ayaa sheegaya in agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadku uu dhaawac ka soo gaadhay rasaas uu ku furay askari deganaa dhul la doonayey in laga raro.

Askarigan rasaasta ku furay agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka ayaa ka mid ahaa dad la sheegay inay dagan yihiin dhul uu leeyahay dugsiga caafimaadka ee dawladu maamusho, kaas oo loogu tala galay inay galaan macalimiinta wax ka dhigta dugsigaas balse burburkii dawlada Soomaaliya ka dib ay daganayeen dad shacab ahi.

Agaasimaha guud ayaa la sheegay inuu askarigan oo qoyskiisu daganaa dhulkaas ku amray inuu ka guuro, taas oo keentay in cadho ku dhalatay askariga ay keentay inuu rasaas furo.

Wararka ayaa sheegay in agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadku uu ka dhaawacmay bawdada isla markaana ay rasaastu dhex martay hilibka balse aanay jabin, kaas oo haatan ku sugan gurigiisa magaalada Hargeysa ka dib dawayn kooban loo loo sameeyey.

Source: Ilaysnews
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.