Masuul Sare Oo Waddani Ah Oo Kulan Qarsoodi Ah La Qaatay Madaxweyne Biixi

0
1,769 views
Masuul Sare Oo Waddani Ah Oo Kulan Qarsoodi Ah La Qaatay Madaxweyne Biixi

Masuul Sare Oo Waddani Ah Oo Kulan Qarsoodi Ah La Qaatay Madaxweyne Biixi

Hargeysa(Sayruuq) Masuul sare oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa la sheegay in uu habeennadii la soo dhaafay kulan xogtiisa la ilaaliyay la yeeshay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Lama oga waxyaabaha ay ka wada hadleen labada masuul laakiin, waxa la sheegay in Kaadir Kulmiye ahi ka shaqeeyeen kulankaasi qabsoomidiisa.

Warbaahinta Qarannews oo Sayruuq xogtan ka soo xigatay ayaa ku warramaysa in Afhayeenka guud ee xisbiga Waddani xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa madaxweynaha la qaatay kulan si weyn loo adkeeyay xogtiisa oo aan la ogayn arrimaha laga wada hadlay.

Afhayeenka Waddani ayaa ahaan jiray xubin firfircoon oo xisbiga ka dhex muuqday laakiin, aan muddooyinkan dambe lagu arag saaxadda siyaasadda lamana oga in madaxweyne Biixi xil u wado iyo in kale.

Kulankan ayaa imanaya iyada oo todobaadadii u dambeeyay xubno xisbiga Waddani ka talo goostay samaysteen garab la tuhunsan yahay in xukumaddu taageerto. Guddoomiyaha Waddani ayaa mucaaradad adag ku eekeeyay xukumadda socod baradka ah ee madaxweyne Biixi waxaanu u jeediyay eedo gaadhsiisan in doorashada la soo qadimo, islamarkaana madaxweynuhu is casilo.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.