Masuul Iska Casilay Xukumadda Madaxweyne Biixi

0
1,338 views
Masuul Iska Casilay Xukumadda Madaxweyne Biixi

Masuul Iska Casilay Xukumadda Madaxweyne Biixi

Prof Cabdi Cali Jaamac ayaa iska casilay xilka uu Qaranka u hayay. Masuulkan ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta dadaalka badan soo galiyay ololihii doorashada ee lagu doortay madaxweyne Biixi “Maanta oo taariikhdu tahay 11kii bishii April, 2018, Waxan iskaga tegay xilkii Agaasimaha Guud ee aan hayay. Waad Mahadsan tihiin,” Sidaas ayuu ku shaaciyay bartiisa Facebook.

Prof Cabdi Cali Jaamac oo cilmiga dhaqaalaha ku xeel dheer kana dhigay jaamacadaha ayaa dhawr wasaaradood ka soo qabtay xilka agaasimaha guud isaga oo muddo ahaa madaxa Komishanka xakamaynta Aids-ka waxaanu hadda ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda Qorshaynta.

Agaasimaha ayaan wax tafaasiil ah ka bixin sababta uu isu casilay sidoo kalena ma raacin wax mahad naq ah oo ku saabsan inta uu la shaqaynayay iyo cidda xilka u igmatay midna waxaana jira xogo sheegaya in uu xilkaasi saluugsana laakiin, xag rasmi ah oo iscasilaaddiisa ku saabsan wali ma helin Sayruuqnews.

 

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.