“Mashruuca Aan Dile I Duub Yaa Qaatay,” Mahad Salad

0
507 views
“Mashruuca Aan Dile I Duub Yaa Qaatay,” Mahad Salad

“Mashruuca Aan Dile I Duub Yaa Qaatay,” Mahad Salad

Muqdisho(Sayruuq) Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa aamminsan in aanay Alshabaab fulin dilal qorshaysan oo ka dhaca Muqdisho kuwaas oo muuqaallo laga duubo qaabka loo fulinayo iyo ilaa qofku ka dhimanayo. Waxa uu arrintan uga qaliyay sida ay u dhacdo oo uu xukumadda ugu baaqay in ay baadhis ku samayso waxaanu qoraal uu soo saaray u dhigan yahay sidan:-

Waxaan caawa daawaday muuqaalo argagax leh oo ururka Alshabaab ku baahiyeen Baraha Bulshada. Muuqaaladaas oo ay duubeen iyaga oo dilaya dad isugu jira Shacab iyo Saraakiil Dowladeed.

 

Alshabaab dalka waa joogi jireen waxna waa dili jireen, lkn waxaa caawa dareenkayga kiciyay, una baahan runtii in la dul istaago lana baaro ayaa ah:

 

  1. Dilalka waxaa la geysanayaa maalin cad, goobo bartamaha magaalada ah oo waliba inta badan ay fadhiyaan ama joogaan dad badani!

 

  1. Qofka inta aan la dilin kahor muuqaalkiisa si buuxda ayaa loo duubayaa!

 

  1. Qofka wax dilaya meel aan ka yara fogeyn qofka la dilayo ayuu kasoo dhaqaaqayaa, inta uu soo socdana saanqaadkiisa, bistoolada uu wax ku dilayo iyo xabadaha uu ridayo dhamaan waa la duubayaa!

 

  1. Inta qofka xabadaha lala dhacayo, inta uu ka dhacayo, ilaa naftu ay ka baxdo qadar kooban ayay dul taagnaanayaan meydkiisa iyaga oo duubaya!

 

  1. Qofka wax duubaya iyo midka wax dilaya in kastoo wajiyadooda aysan muuqan hadana wax cabsi ah kama muuqato qaabka ay dilalka u fulinayaan iyo muuqaalada ay duubayaan intaba. Taas oo micnaheedu yahay in ay jiri karaan ilaalo kale oo amnigooda sugeysa oo aan ahayn qofka wax dilaya iyo midka wax duubaya!

 

Sidaas daraadeed, waxaan ugu baaqaynaa Xukuumada in arintaan si deg deg ah u baarto, tilaabo cadna ka qaado, iyo sidoo kale in ay dib ugu laabato qaabka loo maareynayo amniga magaalada Mogadishu iyo ciidamada la sheegay in ay sugayaan amniga Gobolka Banaadir.

Hon. Mahad Salad

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here