Mary Harper Oo Falanqaysay Xiisadda Dekedda Berbera

0
1,739 views
Mary Harper Oo Falanqaysay Xiisadda Dekedda Berbera

Mary Harper Oo Falanqaysay Xiisadda Dekedda Berbera

Tafatiraha Afrika ee BBC-da Mary Harper ayaa  barmaamijka Dunida iyo Todobaadka ku qaada dhigtay xiisadda ka dhalatay heshiiska Somaliland, Imaaraadka iyo Itoobiya ee dekedda Berbera kaas oo sii kala fogeeyay Somaliland iyo Soomaaliya sidoo kalena isku dhuftay Imaaraadka iyo Soomaaliya.

Mary Harper waxay sheegtay in ay u muuqato in dagaalkii Khaliijka Carabta hadda lagu ciyaarayo Somaliland iyo Soomaaliya ama guud ahaan Geeska Afrika. Waxay sheegtay in Soomaaliya gacan ka helayso xulufo Turkiga iyo Qadar taabacsan, halka dhanka kale Sucuudiga iyo Imaaraadku hormuud u yihiin.

Waxay sheegtay in xiisaddu ka dhalatay saldhiga weyn ee Militari ee Imaaraadka laga siiyay magaalada Berbera, kaas oo muhiimaddiisa leh, islamarkaana muhiimadda dhuleed ama juquraafiyadeed ee Berbera ay hore u ogaadeen Maraykanka iyo Ruushka oo u kala dambeeyay saldhigga Militari ee Berbera ay ku lahaayeen.

Sidoo kalena heshiiska shirkadda Dp World ku horumarinayso dekedda Berbera oo sanad walba ay ka dhoofaan malaayiin neef oo xoolaha Somaliland dhoofiso ah hase ahaatee heshiisyada ay Somalia ka qaractay iyada oo ku andacoonaysa in ay Somaliland dhulkeeda ka tirsan tahay, islamarkaana Baarlamaankeedu ka hor yimid heshiiska.

Waxay sheegtay in aanu go’aanka baarlamaanka iyo xukumadda Soomaaliya warwar ku hayn Somaliland iyo DP World maaddaama aanay xukumadda Soomaaliya Muqdisho lafteeda wada maamulin.

Warbixinteeda ayay ku sheegtay in aanay Somaliland oo kaliya ahayn tan heshiisyo horumarineed ama Militari la gashay dalal shisheeye laakiin, maamul goboleedyada Soomaaliya laftoodu Imaaraadka heshiisyo kula jiraan sida Puntland iyo Jubaland, islamarkaana 5 maamul goboleed xidhiidh aan fiicnayn la leeyihiin Soomaaliya.

Source:Berbera – unlikely setting for the Gulf crisis

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.