Maraykanka Oo Ka Hadashay Xadhigga Naciima

0
361 views
Naciima Qorane Oo Ku Adkaysatay Mawqifkeeda Soomaaliweyn

Maraykanka Oo Ka Hadashay Xadhigga Naciima

Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa barteeda Twitter-ka soo dhigtay qoraal ay ku canbaaraynayso xadhiga Naciima Abwaan Qorane iyo Maxamed Kayse Maxamuud oo lagu xidhay Somaliland. Waxay ugu baaqday masuuliyiinta Somaliland inay ilaaliyaan xaqa aan qofka laga qaadi karin ee uu u leeyahay inuu cabiro aragtidiisa.

“Safaaradda Maraykanka ee Somalia Waxay cambaaraynaysa xadhiga Naciima Axmed Ibraahin iyo Maxamed Kayse Maxamuud ee Somaliland ku xidhan. Waxaan ugu baaqayna dhammaan masuuliyiinta in ay ilaaliyaan xuquuqda hadalka ee aan qofka laga qaadi Karin,” Sidaas ayaa lagu yidhi qoraal kooban oo lagu baahiyay bogga rasmiga ah ee saaraddu ku leedahay Twitter-ka.

Maraykanka Oo Ka Hadashay Xadhigga Naciima

Maxamed Kayse Maxamuud(Bigeeye) ayaa dhawaan boggiisa Facebook ku baahiyay in uu dhammaystiray buug la magac baxay tusaalaha Guusha oo uu ka qoray  Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Ninkan dhalinyarada ah oo ka soo jeeda Bariga Burco ayay ciidamada Sirdoonka Somaliland xabsiga dhigeen markii ay ka war heleen arrintaasi waxaanu xidhan yahay ilaa 5 maalmood sida eheladiisu sheegtay.

Sidoo kale Naciima Abwaan Qorane ayay ciidamada Sirdoonku ku qabteen madaarka Hargeysa dhawr todobaad ka hor iyada oo ku sii jeeda Muqdisho. Inantan oo muddooyinkii u dambeeyay fadhigeedu ahaa Muqdisho kana soo jeeda Hargeysa waxa lagu haysta aragtida Soomaaliweyn oo ay aamminsan tahay sida uu sheegay Aabaheed oo mar sii horaysay la waydiiyay sababta xadhigeeda.

Dawladda Maraykanka ayaan looga baran in ay sidaas tooska ah uga hadasho dadka arrimahan loo xidho. Hay’addaha caalamiga ah iyo safaaraddaha ku shaqo leh Somaliland iyo Somalia ayaa inta badan u xagliya dhinaca Somalia taas oo ay dib u dhiskeeda si weyn ugu hawlan yihiin.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here