MARAQ LAGA DIYAARIYAY MIDHO GOB IYO MINJO ADHI

0
437 views

Ka soo qaad in geed gob ah midhihiisi kuu bislaadeen. Midhihii intii aydin cunteen mooyaane, wax badan oo ka mid ahi qaadhaan. Waxa la hubaa in aydaan danaynin oo ay sidaas intii kale ku duugoobaan. Runtu se waxa ay tahay waa cunto kuu kaydsan oo aad wax ka taransan doonto.
Tijaabadan waxa diyaarisay marwadayda. Dhiirrigelinteedana aniga ayaa lahaa.
1. Soo qaado midho gob oo qaadhay, hilaaddii 200 garaam.
2. Biyo ku maydh.
3. Soo qaad minjo adhi – 4 midh.
4. Soo qaad 2 sacab oo heed ah.
5. Gobkii, minjihii iyo heeddii disti ku rid/ shub, kuna dar litir iyo badh biyo ah.
6. Dabka saar. Marka ay isla mudhuudhuqaan ka qaad dabka.
7. Shaandhee.
8. Liin dhanaan ku darso.
Waxa aad heysaa maraq ku filan 4-5 qof
Si raynrayni ku jirto ku cun roodhi ama laxoox.

WQ:Ahmed Ibrahim Awale

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.