Mar Haddii ay Jiraan Haamo Private ah, Sidee?

0
142 views
Mar Haddii ay Jiraan Haamo Private ah, Sidee?

Mar Haddii ay Jiraan Haamo Private ah, Sidee?
Tiraba saddex shirkadood ayaa la siiyay ruqsad ay ku dhistaan Haamo shidaal oo ay gaar u leeyihiin; laba waxa bixisay xukuumaddii Siilaanyo; midna waxa bixisay xukuumadda aan wali gu’ jirsan.

Haddaba xukuumaddii hore, waxa muuqata qalad iyo saxba in ay la doonaysay in Haamuhu gacanta Private-ka wada galaan; markaa waxa is weydiin leh sidee bay xukuumaddani marna ruqsad u bixin kartaa, marna ula soo wareegi kartaa Haamihii? taasi waa su’aal weyn oo u taalla xukuumaddan; waanna su’aal Journalist; jounalist aan iska soo qaadan Mayga.

Qof waloo caqli lhi wuu garanayaa in ay laba mid uun noqonayso, marka meesha laga saaro mid saddexaad oo suuragal ah, laakiin aan macno lahayn: in xukuumaddu la wada wareegto dhammaan Haamaha, oo lacagtooda u celiso shirkadaha dhistay; iyo in kuwan maanta lagu soo celiyay gacanta dawladda dib loogu celiyo gacmaha Private-ka?

Ta saddexaad, meesha waan ka saaray, maxaa yeelay wax macno ma laha in ay suuqa ku wada jiraan kuwa dawladda iyo kuwa kale, marka la eego dabeecadda shidaalka iyo istratijiyaddisa.

Haddaba, waqtigaa inoo sheegi, ka ay ku dambayso; taladayduna waxa weeye in xataa haddii la sameeyo xeerka PPP, aan marna lagu fikirin in haamaha dib loogu celiyo gacmaha Private-ka ah.

Ugu danbayntii, talooyinka sidaas baan u soo wadaynaa xataa haddii aan nalaga codsan; maxaa yeelay waddanka kama aamusi kartid iyadoo talo kuu muuqato.

Cabdo; U dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.