Malaayintii Doolar ee Loo Qaybiyey Xildhibaanadda Somalia Oo Sarifka Shilinka Qiimihiisa kor u dalacday .

0
4 views

Muqdisho(Sayruuq)-Sicirka lagu sarrifo doolarka Mareykanka ayaa hoos u dhacay gudaha caasimada Soomaaliya ee Muqdisho tan iyo markii la doortay madaxweynaha cusub ee 4ta sano ee soo socota hoggaamin doona dawlada Soomaaliya Maxamed C/Laahi Farmaajo.

Sarrifleyaasha Muqdisho ayaa tilmaamay in sababta hoos u dhaca ay tahay ayadoo durba doolar badan caasimada uu soo galay.

Lacagta adag ee doolarka ah ee suuqa kusoo korodhay sida sarrifleyaashu sheegeen ayaan la caddeyn karin halka ay ka timid iyo qorshaheeda.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira ballan qaad Farmaajo sameeyay intii ololaha doorashada uu kusoo jiray. Ballan qaadka ayaa ahaa inuu xoogga saari doono bixinta mushaaraatka iyo gunnooyinka askarta iyo shaqaalaha dawlada.

Haatan ayaa waxaa lagu soo waramayaa in doolarku hoos u dhacay kun shilin Soomaali ah qiyaastii intii lagu sarrifan jiray.

Maanta ayaa la filayaa iyo wixii ka dambeeya in qiimaha doolarka lagu sarrifo uu hoo usii dhaco sida khubarada ka shaqeeya sarrifka lacagaha qalaadi sheegeen.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here