Majaajilayste Xildhibaan Isaga Dhigay Trump & Sheekada Dhex Martay

0
401 views
Majaajilayste Xildhibaan Isaga Dhigay Trump & Sheekada Dhex Martay

Majaajilayste Xildhibaan Isaga Dhigay Trump & Sheekada Dhex Martay

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump waxa sirey nin majaajiliiste ah oo lagu magacaabo John Melesdez , kaas oo isaga dhigay xildhibaanka Aqalka Sare ee Bob Menendez.

Ninkan ayaa wacay wiilka uu sodogga u yahay madaxweynaha Jared Kushner, kaas oo sidoo kale ah la taliyaha madaxweynaha, wuxuuna u sheegay in uu yahay xildhibaan Bob oo madaxweynaha isku aragti yihiin, kadibna Kushner ayaa Trump ku wargaliyay in la doonayo.

Trump ayaa isaga oo saaran diyaaradda Air Force One soo wacay majaajiliistaha, sheekadii dhexmartayna waxaa lagu baahiyay Internet-ka.

War ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in khadadka isgaadhsiinta madaxweynaha ay aad u furanyihiin, taasna ay keentay in ay dad badan ka faa’iideystaan siyaabo qaldan.

Saraakiisha Aqalka Cad ayaa wacay xildhibaanka si ay uga xaqiijiyaan in ay madaxweynaha wada hadleen, balse aad ayuu ula yaabay, wuxuuna sheegay in aanu isaga ahayn.

Codka la duubay ayaa waxaa ka muuqda in madaxweynaha uu majaajiliistaha kala hadlay arrimo xasaasi ah, oo ay ka mid tahay dacwad xildhibaanka laga dhaafay oo laaluusha ah.

Mr John Meledez ayaa Taleefishinka CNN u sheegay in si sahlan loo aqoonsan lahaa in aanu xildhibaanka ahayn haddii la weydiin lahaa su’aalo sahlan sida halka laga soo doorto xildhibaanka iyo xisbiga uu ka tirsan yahay, taas oo aanu isagu aqoonba u lahayn, balse aanay wax su’aalba weydiinin ka hor inta aanay u soo xidhiidhin taleefoonka madaxweynaha.

Wariyaha BBC-da Tara McKelvey oo madaxweynaha la saarnayd diyaaradda markii uu wicitaanka samaynayay ayaa sheegtay in aanay la yaabanayn in kalkaaliyeyaasha madaxweynaha ay si sahlan ugu xidhiidhiyaan wicitaan qof aanay hubin, sababtoo ah waxa ay sheegtay in aanayba ka war haynin qofka uu qorsheynayo in uu la hadlo ama la kulmo, markasta uu si kadis ah wax ku sameeyo.

Source: BBC

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.