Magafe Soomaali Ah Dadka Ku Caddibi Jiray Liibiya Oo Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

0
137

Hargeysa (Sayruuq) Dawladda Talyaaniga ayaa xabsi daa’in ku xukuntay nin Soomaali ah oo waddanka Liibiya ku laayay dad badan oo tahriibiyay qaarna jidh dilay. Cismaan Maxamuud oo 22 jir ah ayaa la xidhay sanadkii hore kadib markii si kedis ah ama nasiib ah loo gartay isaga oo iska dhex maraya magaalada Malta.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in uu dadka ku dili jiray garaacis qaarna ka jaray biyaha iyo baadka ilaa ay ka dhimanayaan. Arrintan ayaa dhacaysay inta tahriibeyaasha ka yimid dalalka Saxaraha ka hoose ay sugayaan lacag ehelkoodu u soo diro si ay u siiyaan magafeyaasha ka caawiya tahriibinta.

Sayruuqnews/office

Hargeysa-Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here