Magacyada Xubno Awood Badnaa Oo Laga Eryay Xisbiga DDSI

0
740 views
Magacyada Xubno Awood Badnaa Oo Laga Eryay Xisbiga DDSI
Wasiir Axmed Shide

Magacyada Xubno Awood Badnaa Oo Laga Eryay Xisbiga DDSI
Guddoomiye Axmed Shide Oo Eedo Culus U Jeediyay Nidaamkii Cabdi Maxamuud Cumar Kuna Gooddiyay In Sharciga La Marinayo Xubnihii Masuulka Ka Ahaa Qalalaasihii Jigjiga
Addis Ababa(Sayruuq) Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida Itoobiya ayaa laga eryay xubnihii ugu awoodda badna oo uu ku jiro madaxweynihii hore ee dawlad degaanka Cabdi Maxamuud Cumar. Kulan ilaa 8-dii bishan uga socday xisbiga magaalada Addis Ababa ayaa gabagabadiisa laga sheegay in xubnaha la eryay masuul ka ahaayeen qalalaasihii ka dhacay magaalada Jigjiga iyo guud ahaan gobolka Soomaalida Itoobiya.

Guddoomiyaha cusub ee xisbiga Soomaalida Itoobiya ahna wasiirka warfaafinta Federaalka Itoobiya Mudane Axmed Shide oo uu weheliyo kuxigeenkiisa ahna sii haya madaxweynaha dawlad degaanka Axmed Cabdi Maxamed ayaa si weyn u duray nidaamkii ka arrimin jiray gobolka Soomaalida ee Cabdi Ilay oo uu ku tilmaamay mid dadku u dullaysnaayeen.

Xubnaha xilka laga qaaday
Xubnaha awoodda badna ee xilka laga qaaday oo aanu magacaabin guddoomiye Axmed Shide ayuu wargeyska Waaberi ka soo xigtay warbaahinta dawlad degaanka Itoobiya waxaanay kala yihiin:-
1. Cabdi Maxamuud Cumar;
2. Cabdi Jamaal Qaloombi;
3. Khadar Cabdi Ismaaciil;
4. Maxamed Rashiid Isaaq;
5. Naasir Xasan Axmed.
Shantan xubnood oo laga saaray guddida fulinta ee xisbiga dimuqraadiga shacabka Soomaalida Itoobiya waxa ku jira madaxweynihii hore ee dawlad degaanka, guddoomiyihii baarlamaanka iyo madaxii xarunta xisbiga.
Sida oo kale waxa qiimayn shirku sameeyay lagu canaantay xubno la sheegay in aanay xilkooda ka soo bixin intii rabshaduhu socdeen waxaanay kala yihiin:- Maayarka Jigjiga, guddoomiyihii gobolka Afdheer, wasiirka waxbarashada, hoggaankii nabadgalyada maamulka Diri Dhaba iyo madaxii xisbiga Soomaalida Itoobiya ee laanta Diri Dhaba.
Eedo Culus Oo Axmed Shide Jeediyay.

Guddoomiyaha cusub ee xisbiga dimuqraadiga shacabiga Soomaalida Itoobiya, ahna wasiirka warfaafinta Federaalka Axmed Shide Maxamed ayaa si weyn u weeraray nidaamkii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar oo uu ku eedeeyay mid dadka dullaystay kuna shaqaynayay qabyaalad, eex iyo ku xadgudubka xuquuqda aadamaha.

“Dhibaatooyinka dilka, dhaawaca, afduubka, xadhigga iyo wixii la mid ah ayaanu si ballaadhan u qiimaynay. Sidoo kale waxaanu qiimaynay isku dhufashada Qoomiyadaha Qarniyada badan wada noola ee walaalaha ah iyada oo dhibaatooyinkii ka dhacayna ay ku barakaceen dad badan iyo dawlad degaanka warbaahinta baraha bulshada ka sii daayay xogo badan oo khaldan oo khalkhal galiyay bulshada. Waxa kale oo ay xukumaddii degaanku samaysay dhallinyarada Heego oo inta la tababaray oo la hubeeyay xumaan loo adeegsaday hawlahaas oo dhanna hoggaaminta xisbiga ayaa masuuliyaddeeda qaadatay,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Axmed Shide oo la hadlayay wasiirradii iyo xisbi yahankii Cabdi Maxamuud Cumar.

Waxa kale oo uu si ba’an u maagay hoggaamintii Cabdi Maxamuud Cumar ee dawlad degaanka “Hantidii shacabka iyo dawladda oo lagu tagri falay, miisaaniyadda dawladda oo dano gaar ah iyo qabiil loo adeegsaday ama ehelada masuuliyiinta iyo musuqa cad ee loo adeegsaday oo mashaariicda iyada oo aan tartan loo galin ciddii la doono la iska siinayo. Dhulka oo si ehel ah loo qabinayay ama hoggaanka la siinayay, ganacsiga oo kooto laga dhigay lana galiyay xaaraan iyo suuqa madow ayaanu u aragnay in ay ahaayeen khaladaadka labaad,” Sidaa ayuu yidhi Mr Shide.
Guddoomiye Axmed Shide wuxuu sii waday eedaha nidaamkii Cabdi Ilay waxaanu yidhi “Waxa degaanka laga abuuray hoggaamin aan dawladnimada iyo amarrada xisbiga ku shaqayn, islamarkaana shakhsi ka talo qaata. Waxaanu ogaanay in aan aqoon, xirfad iyo u damqasho shacab midna lagu shaqayn oo xukumadda iyo xisbiguba noqdeen kuwo shakhsiyaad gaar ah u adeegga oo nidaamka dawladda ka baxsan, islamarkaana hay’addaha dawladdu ahaayeen kuwo hal shakhsi oo madaxweynihii ah u dullaysan,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Shide.

Waxa uu intaasi ku daray in khaladaadka dawladnimadii hore lagu galay ay masuuliyaddiisa yeesheen xubno xisbiga ah kuwaas oo sababahaas awgood looga saaray xisbiga waxaana laga yaaba in sharciga la mariyo masuuliyiinta lagu helo dambiyada rabshadihii dhacay oo hay’addaha dambi baadhistu ku lug leeyihiin xilligan.

Waxa uu sheegay in hoggaanka xisbigu yeelan doono kulamo uu bulshada la qaadanayo waxaanu ku baaqay in la iska jiro wararka been abuurka ah ee degaanka laga fidinayo.

Source: Wargeyska Waaberi
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.