Magacyada Niman Somalia Jooga Oo Booliska Kenya Lacag Ku Raadinayo

0
733 views
Magacyada Niman Somalia Jooga Oo Booliska Kenya Lacag Ku Raadinayo

Magacyada Niman Somalia Jooga Oo Booliska Kenya Lacag Ku Raadinayo

Booliska Kenya ayaa lacag dul dhigay 8 nin oo jooga gudaha Soomaaliya. Nimankan ka tirsan xarakada Alshabaab ayaa lagu sheegay kuwo khatar ku ah amniga dalka Kenya waxaana la sheegay in ay ka hawl galaan gudaha Soomaaliya ee ku teedsan xadka Kenya. Boolisku wuxuu sheegaya in ay isku dayo sameeyeen haddana qorshahoodu yahay hawlgallo ay ka fuliyaan Kenya.

Issaaq Aliyow Maxamed Intallo, Raxiim Maxamed Sheekh, Bishaar Xareed Xuseen, Baashe Aadan Cismaan Kulo, Cabdirashiid Ibraahim Cismaan Nuur, Siyaad Ibraahim Cabdullaahi, Cabdi Axmed Ibraahim iyo Maxamed Muxumed Axmed ayaa lagu raadinaya 16 Milyan oo shillinka Kenya ah taas oo midkiiba la dul dhigay in cidda xogtiisa keenta la siin doono 2 Milyan.

Nimankan bulshada loo bandhigay in ay soo sheegaan waxa lagu sifeeyay kuwo hubaysan oo halis ah.

Madaxa baadhitaanka booliska oo bulshada u jeediyay ogaysiiska nimankan Joseph Boinnet waxa uu sheegay in raggaasi qorshaynayaan falal ammaanka Kenya ka dhan ah sidaas awgeedna la abaal marinayo cidda xog ka keenta.

Kenya ayaa wehel u noqotay weerarrada ka dhanka ah ee kaga imanaya kooxda Alshabaab ka dib markii ciidamada Kenya soo galeen Soomaaliya 2011 si ay ula dagaallamaan kooxda Alshabaab.

Source: Police offer Sh16m bounty on eight wanted suspected terrorists 

Magacyada Niman Somalia Jooga Oo Booliska Kenya Lacag Ku Raadinayo

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here