Magacyada Masuuliyiinta Ay Seefta Isku Shaandhaynta Madaxwayne Siilaanyo La Tagi Doonto Dhawaan Iyo Kuwa La Filayo In Lagu Badalo

0
34 views

 Magacyada Masuuliyiinta Ay Seefta Isku Shaandhaynta Madaxwayne Siilaanyo La Tagi Doonto Dhawaan Iyo Kuwa La Filayo In Lagu Badalo

Hargeysa (Sayruuq):- Madaxweyne Siilanyo ayaa la filayaa in uu dhawaan daawaha  ka soo qaado isku  shaandheyntii ugu salka balaadhneyd ee xukuumadiisa taas oo sameyn doonta dhaaman laamaha kala duwan ee dawlada . 

Isku shaandheyntas ayaa waxaa  la filayaa in ay xafiiska madaxweynaha ay ka soo baxdo hortaanta bisha ramadaan oo ay hada inaga xigto muddo ka yar 10 cisho

Warbaahinta ayaa maalmahan qaad dhigaysay in  isku shaandheyntaas dhici doonto maalamha soo socda hadab maanta ayaa mar kale ilo lagu kalsoonayahay soo bandhigeen kuwaas oo wasiiradda xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo uu seefta la dhex qaadi doono qaar ka mid ah wasiiradda ugu tunka weyn .

Xogahan ay Warbaahintu helayso ayaa sheegay in masulyiinta la filaayo in ay la tagto seefta madaxweynu ay kal yahiin:

Wasiirka Waxbarshada :  Cabdilaahi Dheere

Wasiirka Qorsheynta:   Cali Salaan Jirde

Wasiirka Ciyaaraha  : Maxamed Farax Meydhane

Wasiirka Warfaafinta : Cismaan Saxardiid Cadaani

Wasiirka Dib U Dejinta :   Cali Siciid Raygal

Wasiirul Dawlaha Maaliyada :   Boose Mire

Wasiirka Ganacsiga : Xussen Deyr

Mareeyaha Wakaalad Biyaha  Hargeysa : Ibraahim Siyaad Yoonis

Taliyaha Ciidamada Booliska: Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iiman

Sidoo  kale xubnaha la filaayo in ay ka mid noqdaan xukuumada Madaxweyne Siilanyo ayaa waxaa ay xogahani sheegayan in ay yahiin

Muj. Cabdilaahi Darawal.

Muj. Axmed Mire

Abiib Timacad

Taliye Faysal Kaamil

Axmed Yasiin Sheekh Cali Ayaanle

Dhinaca kale xogahan ayaa waxaa ay xusayaan in isku  bedel lagu sameeyn doono xubno ka mid ah xukuumada kana mid yahay Wasiir waran Cade oo laga bedeli doono wasaarada arimaha gudaha.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here