Magacyada Masuuliyiin Wasiirka Maaliyaddu Magacaabay

0
408 views
Halkee Ayuu Salka Ku Hayaa Khilaafka Car Iyo Wirta Ah Ee U Dhexeeya Wasiirka Maaliyadda Iyo Xisaabiyaha Guud

Magacyada Masuuliyiin Wasiirka Maaliyaddu Magacaabay
Wasiirka maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa magacaabay shan la taliye oo dhammaantood la taliyayaal ka noqon doona wasaaradda maaliyadda.
Ma jiro war rasmi ah oo uu Wasiir Yuusuf ku baahiyay magacaabista la taliyayaashan oo uu ka dhex muuqdo guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel).

Shanta la taliye ee uu Wasiirku Magacaabay ayaa kala ah

1. Prof. Maxamed Yuusuf Iqra, la taliyaha Istaraatajiyada
2. Maxamed Xaaji, kaaliyaha Prof Iqra ee la taliyaha Istaraatajiyada
3. Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel), la taliyaha sharciga
4. Liibaan Maxamed Yuusuf, la taliyaha human resource
5. Maxamed Yuusuf Xaaji Cabdi la taliyaha arrimaha miisaaniyadda
6. Ismaaciil Lug-weyne, la taliyaha arrimaha wacyigelinta
Lama garanayo waxyaabaha uu Wasiirka maaliyaddu ku xushay la taliyayaashan, laakiin waxay noqonayaan la taliyayaashii u horeeyay ee tiradan leeg ee lagu dhex arko guud ahaan xukuumadda Somaliland ee aan weli sannadka jirin.

Madaxweyne Biixi, ayaan weli si rasmi ah u magacaabin la taliyayaal, waxaana la sheegaa inuu meesha ka saaray inta badan la taliyayaashii Madaxweynihii hore oo lagu dhaliilo jiray tiro badnaan iyo tayo la’aan.
Geeska Afrika

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.