Magacyada Guddi Madaxweynuhu Magacaabay

0
868 views
Madaxweyne Biixi Oo Baaq Nabadeed Diray

Magacyada Guddi Madaxweynuhu Magacaabay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa magacaabay guddi heer Qaran ah waxaanu farriin u diray maamullada gobollada iyo degmooyinka Somaliland. Guddidan oo ka kooban 8 xubnood oo madaxweyne xigeenku ugu sarreeyo ayaa isku tubaridaysa qaban qaabada maalinta Qaran ee 18 May oo ku began 27 guurada markii Somaliland dhidibadda loo taagay.

“Waxa foodda innagu soo haya Xuska Sannad Guuradda 27aad ee Maalinta Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May, taas oo inooga baahan qorshe iyo u diyaar-garow, maadaama Bulshada Somaliland meel kasta oo ay joogaan, ay u dabaal-degayaan Xuska 18 May, isla markaana dareenka qarannimadooda u soo bandhigaan Beesha Caalamka.

Sidaa darteed, waxaan mas’uuliyiinta qoraalkani sida tooska ah ugu socdo u magacaabay Guddida Heer Qaran ee Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska Sannad-guuradda 27aad ee Maalinta Qarannimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May.

Haddaba, waxaan Guddida Qaban-qaabadda ka rajaynayaa inay xil weyn iska saari doonnaan Xuska Maalinta 18 May. Sidoo kale, Maamullada Gobollada iyo Degmooyinka waxaan farayaa inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan,” Sidaas ayuu madaxweynuhu ku yidhi warsaxaafadeedka uu guddida ku magacaabay.

Magacyada Guddida

  1. Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland
  2. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
  3. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga
  4. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
  5. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska
  6. Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
  7. Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska
  8. Duqa Caasimadda Hargeysa

Source:Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.