Magacyada 3 Nin Oo Maxkamad Ciidan La Taagay

0
225 views
Magacyada 3 Nin Oo Maxkamad Ciidan La Taagay

Magacyada 3 Nin Oo Maxkamad Ciidan La Taagay
Hargeysa( Sayruuq) Maxkammada Ciidamada Qaranka Somaliland, ayaa la sheegay in la horkeenay markii ugu horayay Saddex eedaysane bishii Juun ee sanadkan 2018, kuwaas oo laga soo qabtay Degaanada Ceel-afweyn,waxaana la sheegay in loo jaray xabsi ku sii hayn, sida uu sheeegay Guddoomiyaha ururka xuquuqal insaanka HRC Mudane Guuleed Dafac.
Saddex-da nin ayaa gacanta lagu dhigay 19 June 2018 meel u dhaw Degmada Ceel-afweyn,kuwaas oo lagu kala magacaabo Axmed Xuseen Maxamed (Axmed Cadib), Cabdillaahi Saalax Geelle iyo Xaskul Cumar Cali, waxaana loo soo dhaadhiciyey isla wakhtigaaba dhanka magaalada Hargeysa iyo Xarunta Ciidamada Dembi baadhista ee Caasimadda Dalka, iyadoo 24-kii bisha Juun 2018-kii la horkeeyey Maxakammadda Ciidamada Qaranka Somaliland sida uu sheegay Guddoomiye Guuleed Dafac, waxaanay maxakammaddu u jartay Rumaan ama xabsi ku sii hayn.
Guddoomiyaha Ururka xuquuqal insaanka Madaxabannaan Guuleed Dafac ayaa qoraal uu soo dhigay Bogiisa Facebook kaga hadlay arrintaasi waxaanu u dhignaa haddalkiisu sida“Taariikhdu markay ahayd 19 June 2018 waxa meel ku dhow magaalada Ceel Afwayn laga qabtay Axmed Xuseen Maxamed (Axmed Cadib), Cabdilaahi Saalax Geele iyo Xaskul Cumar Cali. Waxa loo soo gudbiyay Xarunta Dembi Baadhista ee Hargeysa oo ay hada ku xidhan yihiin. Waxa 24 June 2018 la horgeeyey maxkamad ciidan (military court) oo xabsi ku hayn u dirtay (rumaan). Ma jirto wax dacwad ciqaab ah oo lagu soo oogay. “Ayuu yidhi
Waxaanu intaas ku daray isagoo haddalkiisa sii wata “Sida ku cad qodobka 104(1) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland qof aan ciidanka qaranka (military) ka tirsanayn lama gayn karo maxkamad ciidan.”
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.