Magaca Maansada: Hal-Xaaraana

0
166 views

Waxa aan Curiyay Maansadan Saaka Tobankii Subaxnimo ee ay Taariikhdu ahay 31/10/2018. Waxa la yidhaa Maansadan magaceeda Hal-Xaaraana, waxa aan kaga waramay, waxa aan ka aaminsanahay Xirsi-Gaab Wasiirkii hore Madaxtooyada Somaliland. Fadlan akhri Like-saar, Saare dheh, Faalana ka bixi:-

Magaca Maansada: Hal-Xaaraana

Madaxweyne xaal hoo
Waa lagugu xaaree
Xunbaa lagugu saydhee
Marwadana xishood iyo
Xurmo ayaan u haynaa
Xariim cayba maba gayo
Xaynkuna ka sii daran
Xirsiyoow maxaad tidhi
Xalaybaan xantaadiyo
Xamxam aan dhagaystee
Hada Xeer umaad dhigan
Xidid iyo xigaal midna
Horta xaal ma ku qabtaa
Xaajadii guryaha tiil
Xarumaha maxaa dhigay
Siday xaajo kaa tahay
Xal sidaasi maa-hee
Ma xishood ayaan jirin
Xuduudaha ka gudubtay’e
Xadhka gowsna noqotaye
Xakamiina tuurtaye
Siday xaajo kaa tahay
Maxaad xeedhadii shalay
Xirsiyoow laguu xidhay
Kugu sooray Xaajigu
Ee xigaalku kuu dhigay
Xaar ugu maleeshood
Xumaan ugu abaalguday
Xirsiyoow xummaantani
Iyo xiribo xiirkani
Ma xumaan ad leedaa
Ma xaal ibliis iyo
Xasad aad udhalataa
Buugan aad xariiqdee
Xamaasada abuuray
Xiinkiisu baxayaa
Xoolihii malagu qoray
Aad xaday dharaartii
Xilka aad u igmanayd
Xalaal kuugu may iman
Intoo aad xantoobisay
Ayaad xaabsatee garo
Xaaluf baad ka yeeshee
Maxaad xaashi gaara
Ugu xardhi wayday
Xasuus reeb hanoqotee
Xaqiiq sheeg hadaad tahay
Xarafkiisu saxan yahay
Xaraami tuugoo
Hadba xeelad kuu dhiga
Ayaan xeerba loo dhigin
Hal xaaraani gara’oo
Xaamilo haday tahay
Nirig Xalaal inay dhali
Xaashaa lagaa yidhi
Mar hadaad xummaan culus
Ku wareentay xaajiga
Kii xiniinta kuu sugay
Adigoon xafiis iyo
Xeerka dowlada aqoon
Kii xarafka kuu saxay
Kii dadkoo dhan kaa xulay
Ee xilkii ugu wacnaa
Ayar xagasha kuu sudhay
Kii xiddiga kaa dhigay
Shacabyahow xusuus qora
Xirsi shalay wuxuu Haa
Ayaan soo xasuustaa
Oon soo xiganayaa
Xilka maalintuu hayay
Sowkii is-xaydee
Xarfad kibirka moodee
Xaaladaha abuuree
Intaad Xeelad soo dhigtay
Iyo xadhig ibliis xidhay
Intuu xamaamtii urursaday
Wasiiradii xulka ahaa
Xeradii ka saaree
Ka xuubsiibay xilalkii
Ka xayuubshay gebigood
Muusaan Xinninayaa
Xisbigaan ka dirayaa
Xilka waan ka tagayaa
Muusaan Xistiyayaa
Kala garo xisaabaha
Xisbigu ha joogee
Xil adi laguu diray
Cigaal Shiidad xigashada
Xaaladahu ku noolaa
Qisas xiisa laa’jira
Habeen buu xerada galay
Libaax xoolo qaad’ihi
Xilihii u qabaybaa
Tidhi Xaaji oradoo
Ka rid Libaax xoolaha
Docdii Baabu dhigay xaar
Inuu Xarigo daa’yoo
Xalwadi waxay tidhi
Ee Xaarka naga daa
Wuxu yidhi Xaliimooy
Xaajiyoy idaa-dee
Ma Xaarkayga badh-badhìis
Ka-unkamay Xanaaqani
Uma dhawa Xagaagaba
Haddii Xeer uu jiri laa
Dadka kala Xadayn laa
Xirsi waa la xidhi laa
Xukun baa ku dhici laa
Xeerkaa la marin laa
Xirsi duminta Qarankuu
Ayuu u xusulo-duubnaa
Minjixaabin buu rabay
Xaga Allay ka dhisan’tee
Xirsi teello muu dhigan
Hadduu Ruux Xariif iyo
Xisaab Qalada aamino
Waa sidaa Xirsoo kale
Anaa Xeerka dhigi kara
Xilka anaa sameyn kara
Anaa Xaajiga u saxa
Arrimaha anaa xidha
Anaa wadanka Xasilin kara
Xisbiyada anaa Xulay
Anigaa Xaqsoor riday
Anigaa Xikmaawiya
Inta kalana Xaal’waa
Markii Xaajigu yidhi
Xilka waan ka tegeyaa
Anaa Xaliyey arintaa
Xiniyaale keligay
Inta kalan Xaal’waa
Xisbigii aan raacana
Xaaraami inaan ahay
Ha ogaado Xaajigu
Nin Xilka ka ridi kara
Hadaad Xaabo guratood
Xiliguna habeen yahay
Marbaad Goodka Xaradhka leh
Aad Xantoobsata’yoo
Kugu Xagaa Qaniinyada
Waabaydu ku Xushaa
Xididada Wadnaha tega
Sunta ay ku Xawilaan
Mar hadaad Xukaamtii
Xumo aad ku sheegtoo
Xarumaha ku iibisay
Xigtadeeda waad heli
Mas hadaad Xaraysaan
Ood Baco ku xidhataan
Inuu Xaalad kugu mirri
Waa shay Xaqiiqo ah
Xuu-xaale beenay
Baali-xoofto Daayeer
Ina Xero-qaxoontow
Sirta kii xaraashoow
Xaaluf iyo Saraaray
Kii Qaranka Xadayow
Fircoon aan Xishoonow
Way ku qaban Xiniintiyo
Xaynka aad basaastee
Allahayow Xaliimow
Adaa dadka Xisaabee
Adigaa Xaqoodiyo
Kala yaqaan Xuduudaha
Allahayow Xayuumoow
Xilmigaaga nagu deeq
Xaqaagana na garan’sii
Xumaanoo dhan naga deyr
Xalaal-miirad naga yeel
Xanta iyo Xumaanaha
Rabbow Xakame naga saar
Xowdka Nebiga nagu soor
Naga dhaaf Xisaabtana
Hablo Xuural-ceyniyo
Xilo fiican Janadana
Dahab yaa Xariir wacan
Noo xidh Allahayow.
Digrigiyo Xuskaagiyo
Xasanaadka noo badi
Isha Xaasidiintana
Naga Xijaab Allahayow
Xaliimow na guullee
Ruuxii na Xaasida
Xaglihiisa ugu Laab
Xayun-baaqi Aamiin.

Abwaan: Mukhtaar Xasan Diiriye

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.