Magaalo Guryaheeda Lagu Iibinayo Hal Doollar

0
66 views
Magaalo Guryaheeda Lagu Iibinayo Hal Doollar

Magaalo Guryaheeda Lagu Iibinayo Hal Doollar

Magaalada Ollolai oo ku taalla Jasiiradda Sardinia ee gobolka Nuoro dalka Talyaaniga ah  ayaa guryaheeda lagu iibinaya lacag dhan hal Euro (1 Euro  ama $1.2). arrintan ayaa soo jiidatay indhaha warbaahinta iyo shirkadaha ku shaqo leh iibinta guryaha.

Boqolaal guri oo qadiimi ah oo u muuqda kuwo laga tagay ayaa hadda lagu iibinaya lacag hal dollar ah kadib markii jiilasha cusub magaaladan dhulka buuraha ah ku taalla uga hayaameen magaalooyinka waaweyn waana magaalo ku taalla Jaziiraddan dhinaca ku haysa badweynta Mediterranean.

Magaalada ayaa dadkeedu isugu soo ururay 2500 qof waxaana lagu sheegay qorshahan cusub in lagu badbaadiyo taariikhda magaalada oo ah mid taariikhi ah “Waxaanu ku faanayna asalkayagii bari-samaadkii. Halgankaygu waa in aan badbaadiyo dhaqankayagii gaarka ahaa oo aanu noqon mid laga tagay,” Sidaas ayuu yidhi maayarka magaalada Ollolai Mr Efisio Arbau.

Waxa uu sheegay in ay waligood ahaan jireen dad adag oo aanay aqbalayn in magaaladoodu noqoto mid dhimata ama baaba’ada

Halkan ka dheeho sawirrada magaalada iyo warbixinteeda

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.