“Madaxweynuhu Wuxuu Yidhi ’24-ka Saac Albaabkaygu Wuu U Furan Yahay Madasha,”

0
373 views
“Madaxweynuhu Wuxuu Yidhi ’24-ka Saac Albaabkaygu Wuu U Furan Yahay Madasha,”

“Madaxweynuhu Wuxuu Yidhi ’24-ka Saac Albaabkaygu Wuu U Furan Yahay Madasha,”

Prof Cabdisalaan Yaasiin

Hargeysa (Sayruuq)- Prof Cabdisalaan Yaasiin oo kamid odayaasha ku bahoobay madasha wada tashiga iyo Toosinta Somaliland, ayaa meesha kasaaray tuhuno la xidhiidha Madashooda, kuwaas oo lagu sheegay in gudaha Qasriga Madaxtooyadda Somaliland looga bineeyey Xafiis ay leeyihiin odayaasha Madasha.

Cabdisalaan Yaasiin ayaa sheegay in aanay wax xafiis ah laga siin Madaxtooyada, isla markaana aanu jirin warkaasi, waxaanu sidaasi ku sheegay mar uu la haddlayey Hadhwanaagnews, isagoo haddalkiisa ku bilaabay “Midkaayana Xafiis kuma  lihin Madaxtooyada, Maxamed Xashi-na waxba kuma laha, laakiin xafiis meel cid looga furay iyo cid talo si gaar ah looga qaato midna ma jirto”…Ayuu Yidhi Cabdisalaan Yaasiin

Dhanka kale Prof Cabdisalaan Yaasiin ayaa sheegay in xukuumadda Madaxweyne Muuse ay si weyn u qadariso odayaasha Madasha, isla markaana ay xushmayso, marka loo eego xukuumaddii hore ee Siilaanyo, isagoo xusay in albaabka Madaxweyne Muuse uu u furan-yahay oo ay u tageen saacad ay rabbaan odayaasha Madashu. “ Waxay ku kala duwan yihiin Dowladii Siilaanyo iyo Dowladan Muuse Biixi , Muuse Biixi wuxuu yidhi ‘haddaa tihiin SNM Odayadaydii ayaad tihiin, albaabkaygaasi wuu idiin furan yahay 24-ka saacadood marka aad doontaa waad isoo geli kartaan haddii aad talo I siinaysaan,” Sidaas ayuu yidhi Prof-ku.

Prof Cabdisalaan ayaa sheegay in odayaasha Madasha ay fogaysay xukumaddii Siilaanyo oo u arkaysay mucaarad, islamarkaana ay wax qabadkooda laciifisay hase ahaatee hadda ayaa loo arkaa in ay mus dambeed u yihiin madaxweyne Muuse.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.