Madaxweynuhu inuu ii yeedho ayaan Filayay !

0
495 views
Madaxweynuhu inuu ii yeedho ayaan Filayay !
Ambsadoor Kaysar cabdilaahi Mohamed

Madaxweynuhu inuu ii yeedho ayaan Filayay !

Ma yara inta goor ee aynu Shaashadaha TV yada ama Warbaahinteena ka daawanay ama ka maqalnay Siyaasi ama Suldaan ama Qof Magac leh oo ina leh Madaxweynahu iimuu yeedhin, Toban bilood ayaan ka war sugayay inuu ii yeedho oo uu wax i weydiiyo , meel aan u maraan waayay, inuu ii yeedho ayay ahayd, cidnaba la hadli maayo oo Madaxtooyadiina dadkii wuu ka xidhay !

Hubaal waxaa ah in dhagaheena ay maalin kasta ku soo dhacaan ereyo badan oo kuwaas la mid ah oo ka soo yeedhaya Siyaasiyiin iyo Dad kale oo u dudaya muxuu Madaxweynuhu iigu yeedhi waayay ee uu iila kulmi waayay.

Waxaad moodaa kuwa sidaas ku cabanayaa inaanay is weydiin in ay jiraan Kumanaan Siyaasi, Suldaan, Ganacsade ama Aqoonyahan iyo Qurbojoog la mid ah oo dhamaantood jecel oo doonaya inay Madaxweynahooda la kulmaan oo ay Talo siiyaan oo ay Muraado gaar ah iyo kuwo guudba kala hadlaan oo ay Salaan ugu tagaan la soo shaaheeyaaan oo ay la soo sheekaystaan.

Bal Hadaba Imisa Qof ayuu qaabili karaa Habeenkii iyo Maalintii? Imisa shaqooyin Qaran ayaa isu dul saaran oo u yaala oo uu u baahan yahay wakhti uu kaga shaqeeyo ? Caqliga miyay gashaa qof kasta inuu qaabilo?

Waxaa loo baahan yahay in Qofka ka cadhaysan in Madaxweynuhu u yeedhi waayay ama uu qaabili waayay uu ogaado in Kumanaan qof oo la mid ahi ay doonayaan inay Madaxweynaha la kulmaan balse nasiib-darro suurto gal maaha wakhtiguna saamixi maayo inuu qaabilo qof kasta oo doonaya inuu la kulmo.

Fadlan ha cadhoon oo ha u qaadan in kaligaa lagaa handaraabay Madaxtooyada ee fadlan u garow oo faham Culayska saaran Madaxweynaha.

Nin Axmed Qaalib la odhan jiray oo reer Dhagaxbuur ahaa oo degenaa magaalada Leicester ee Dalka Ingiriiska oo aanu saaxiib ahayn ayaa berigii uu Madaxweyne Daahir Rayaale Talada Dalka hayay igu yidhi .. Waaryaa Kaysar…Markaasaan ku idhi Hee, markaasuu yidhi haddee kan Daahir Rayaale la yidhaa Cadaabul-qabrri ma laha! Markaasaan ku idhi oo waayo? Markaasuu yidhi Ninka la yidhi IIDOOR u tali ma Cadaabul-qabrri ayaa u hadhay Ifkaa lagu cadaabaye!
wasiir Kuxigeenkii Hore Qorshaynta Md.Kaysar

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.